5/3/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Dec 22, 2011
Xaflad Casho sharaf ah oo caawa lagu qabtay madaxtooyada Puntland (SAWIRRO)


Khamiis, December 22, 2011(HOL): Waxaa caawa magaalada Garowe ee xarunta maamul goboleedka Puntland ka dhacday xaflad casho sharaf aheyd oo loo sameeyey madaxdii iyo mas’uuliyiintii u timid si ay uga qeybgalaan shirka Wadatashiga ee Dastuurka dalka kuwaasoo ay ugu horeeyeen madaxweynaha Dowladda Soomaaliya Shariif Sh. Axmed, Afhayeenka Baarlamaanka Shariif Xasan, Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo kuxigeenadiisa Mudane Xuseen Carab Ciise, C/wahaab Ugaas Xuseen Ugaas Khaliif, Madaxweynaha maamul goboleedka Galmudug Mudane Maxamed Axmed Caalim, iyo marti sharaftii kale ee isugu jirtay Wasiirada, Xildhibaanada, Bulshada Rayidka, Ahlusunna Waljamaacah, iyo wakiilada beesha caalamka, gaar ahaana UNPOS iyo IGAD.


Xafladan oo aad loo soo agaasimaya ayaa waxaa lagu qabtay xarunta madaxtooyada ee Puntland, waxaana dhanka maaweelada iyo heesaha aad wacdaro uga muujiayay kooxda Waaberi Puntland, iyo Fannaanka Axmed Naaji Sacad oo isagu halkaasi ka qaaday heeso qiiro iyo wadaninimo ku dheehneyd.

Xafladan oo aheyd casho sharaf ayaa waxaa hadalo ka jeediyay madaxweynaha maamulka Puntland Mr. Faroole iyo madaxweynaha dowladda Soomaaliya Shariif Sh. Axmed waxayna labada mas’uul si isku mid ah rajo wanaagsan uga muujiyeen miro wanaagsan oo ka soo baxa shirka heerkiisu sareeyo ee lagu qabtay  Garowe lana filayo in berri la soo gabagabeeyo.









Xafiiska Wararka Hiiraan Online
[email protected]