4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Dec 15, 2011
MUDANE MADOOBE NUUNOW: "Xilkii laga qaaday Shariif Xasan waxay qayb ka tahay dib u habeynta Baarlamaanka"

Khamiis, December 15, 2011 (HOL) − Xildhibaan Madoobe Nuunow Maxamed oo ay xildhibaannada baarlamaanka qaarkood u doorteen guddoomiye ku meel gaar ah oo ay ku bedeleen afhayeenka baarlamaanka, Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa markii ugu horreysay ka hadlay xil ka qaadista lagu sameeyay Shariif Xasan.

Madoowe-Nuunow.jpgMudane Madoobe Nuunow ayaa sheegay in xil ka qaadista lagu sameeyay Shariif Xasan ay qayb ka tahay heshiiskii Kampala oo qodobbadiisa ay ka mid ahaayeen in dib u habeyn lagu sameeyo baarlamaanka, tanina ay qayb ka tahay dib u habeynta baarlamaanka.

"Howshii aan qabannay ee aan xilka uga qaadnay Shariif Xasan waa qodob ka mid ah heshiiskii Kampala oo dhigayay in dib u habeyn lagu sameeyo baarlamaanka," ayuu yiri xildhibaan Madoobe Nuunow, oo sheegay in dib u habeynta baarlamaanka aysan ahayn in xubno laga dhimo baarlamaanka ama lagu kordhiyo oo keliya.

Guddoomiyaha KMG ah wuxuu intaas ku daray in go'aankii ay gaareen uu sidoo kale qayb ka yahay heshiiskii uu baarlamaaka Soomaaliya gaaray bishii Feberaayo ee sannadkan oo dhigayay in dib u habeyn lagu sameeyo baarlamaanka, isagoo intaa ku daray inay sii wadi doonaan howlaha ay dib ugu habeynayaan baarlamaanka.

"Dib u habeynta baarlamaanka wuxuu sidoo kale saameyn ku yeelanayaan xubnaha baarlamaanka, waana qodob ka mid ah heshiiskii lagu gaaray Kampala," ayuu xildhibaan Madoobe Nuunow ku daray hadalkiisa.

Sidoo kale, wuxuu ugu baaqay Shariif Xasan inuu u hoggaansamo sharciga, haddii kale uu la kulmi doono culeys ka badan mid ka uu hadda la kulmay. isagoo sheegay in Shariif Xasan ay doorteen xildhibaannada baarlamaanka ay iyaguna xilkii mar kale ka qaadeen.

"Waxaan ugu baaqayaa guddoomiyaha baarlamaanka inuu ku qano go'aankii ay gaareen xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya, haddii uu u hanqal-taago kursiga wuxuu la kulmi doonaa culeysyo dhinaca sharciga ah," ayuu hadalkiisa ku daray.

Ma jirto wax hadal ah oo weli kasoo baxay guddoomiyaha la sheegay in xilka laga qaaday, balse madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay inay baaritaanno ku sameyn doonaan sababta keentay inay xildhibaannadu xilka qaadaan Shariif Xasan.

Dhanka kale, mudanayaasha baarlamaanka ee xilka ka qaaday Shariif Xasan ayaa waxay sheegeen inay sidoo kale shaqadiisii si KMG ah uga joojiyeen guddoomiye ku xigeenka baarlamaanka, iyagoo ku eedeeyay inuu fowdo ka abuuray baarlamaanka.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya