World Remit
 
February-23-12 Today from Hiiraan Online :  _

Wararka Maanta- Khamiis, Dec 15, 2011

 

MUDANE MADOOBE NUUNOW: "Xilkii laga qaaday Shariif Xasan waxay qayb ka tahay dib u habeynta Baarlamaanka"  


Khamiis, December 15, 2011 (HOL) − Xildhibaan Madoobe Nuunow Maxamed oo ay xildhibaannada baarlamaanka qaarkood u doorteen guddoomiye ku meel gaar ah oo ay ku bedeleen afhayeenka baarlamaanka, Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa markii ugu horreysay ka hadlay xil ka qaadista lagu sameeyay Shariif Xasan.

Madoowe-Nuunow.jpgMudane Madoobe Nuunow ayaa sheegay in xil ka qaadista lagu sameeyay Shariif Xasan ay qayb ka tahay heshiiskii Kampala oo qodobbadiisa ay ka mid ahaayeen in dib u habeyn lagu sameeyo baarlamaanka, tanina ay qayb ka tahay dib u habeynta baarlamaanka.

"Howshii aan qabannay ee aan xilka uga qaadnay Shariif Xasan waa qodob ka mid ah heshiiskii Kampala oo dhigayay in dib u habeyn lagu sameeyo baarlamaanka," ayuu yiri xildhibaan Madoobe Nuunow, oo sheegay in dib u habeynta baarlamaanka aysan ahayn in xubno laga dhimo baarlamaanka ama lagu kordhiyo oo keliya.

Guddoomiyaha KMG ah wuxuu intaas ku daray in go'aankii ay gaareen uu sidoo kale qayb ka yahay heshiiskii uu baarlamaaka Soomaaliya gaaray bishii Feberaayo ee sannadkan oo dhigayay in dib u habeyn lagu sameeyo baarlamaanka, isagoo intaa ku daray inay sii wadi doonaan howlaha ay dib ugu habeynayaan baarlamaanka.

"Dib u habeynta baarlamaanka wuxuu sidoo kale saameyn ku yeelanayaan xubnaha baarlamaanka, waana qodob ka mid ah heshiiskii lagu gaaray Kampala," ayuu xildhibaan Madoobe Nuunow ku daray hadalkiisa.

Sidoo kale, wuxuu ugu baaqay Shariif Xasan inuu u hoggaansamo sharciga, haddii kale uu la kulmi doono culeys ka badan mid ka uu hadda la kulmay. isagoo sheegay in Shariif Xasan ay doorteen xildhibaannada baarlamaanka ay iyaguna xilkii mar kale ka qaadeen.

"Waxaan ugu baaqayaa guddoomiyaha baarlamaanka inuu ku qano go'aankii ay gaareen xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya, haddii uu u hanqal-taago kursiga wuxuu la kulmi doonaa culeysyo dhinaca sharciga ah," ayuu hadalkiisa ku daray.

Ma jirto wax hadal ah oo weli kasoo baxay guddoomiyaha la sheegay in xilka laga qaaday, balse madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay inay baaritaanno ku sameyn doonaan sababta keentay inay xildhibaannadu xilka qaadaan Shariif Xasan.

Dhanka kale, mudanayaasha baarlamaanka ee xilka ka qaaday Shariif Xasan ayaa waxay sheegeen inay sidoo kale shaqadiisii si KMG ah uga joojiyeen guddoomiye ku xigeenka baarlamaanka, iyagoo ku eedeeyay inuu fowdo ka abuuray baarlamaanka.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
maxuseen@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya




Ciyaaryahan Cabdi Nageeye oo kaalin fiican ka galay cayaaraha tartanka Orodka Koobka Qaramada Yurub (EK Cross)
15/12/2011 9:31 AM EST

Khamiis, December 15, 2011 Ciyaaryahan Cabdi Nageeye waa wiil Soomaaliyeed oo degan magaalada Nijmegen ee dalka Holland, islamarkaana u orda dalka Holland oradada dhaadheer .
Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Shariif Xasan oo sheegay in kuwii xilka ka qaaday ay ahaayeen fowdiistayaal
15/12/2011 8:42 AM EST

Khamiis, December 15, 2011 (HOL) − Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya, Shariif Xasan Sheekh Aadan oo ku sugan dalka Talyaaniga ayaa sheegay inaysan jirin wax xil ah oo laga qaaday, isagoo xildhibaannadii xilka ka qaaday ku tilmaamay kuwo kasoo horjeeda Roadmap-ka oo doonaya inay fowdo abuuraan.
Golaha Wasiirrada Xukuumada Somalia oo Muqdisho ku yeeshay Kulan ay uga hadleen ammaanka iyo waxqbadka Wasaaradaha
15/12/2011 8:24 AM EST

Khamiis, December 15, 2011 (HOL) − Shir ay maanta Muqdisho ku yeesheen golaha wasiirada dowladda Soomaaliya ayaa uuna shir guddoominayay ra’iisul wasaare Dr Cabdiweli Maxamed Cali ayaa looga hadlay qodobbo ay ka mid yihiin xoojinta amniga dalka, gaar ahaana Muqdisho, waxqabadka xukuumada, miisaaniyad-sanadeedka dowladda, shirka wadatashiga ee lagu ka dhici doona Garoowe iyo warbixin halka uu marayo gargaarka barakacayaasha.
Qaxootiga Itoobiyaanka ah ee deggen Hargeysa oo nolol xumo ay lasoo daristay markii ay UNHCR ka jartay caawimadii ay siin jirtay
15/12/2011 8:19 AM EST

Khamiis, December 15, 2011 (HOL) − Saddex kun iyo shan boqol oo qof oo Qaxooti Itoobiyaan ah ayaa si weyn uga cawday hay’adda UNHCR, taas oo ay ku eedeeyeen inay ka jareen raashin iyo waxyaalihii nolosha u aasaasiga ahaa in lagu noolaado oo ay hore u siin jirtay balse afar sanadood aanay arag caawimadii loogu talogalay qaxotoogin oo ay sheegeen in laga jaray.
Hay'ad Turkish ah oo sheegtay inay billowday mashruuc cusub oo lagu kaalmeynayo Qoysaska Soomaaliyeed
15/12/2011 7:15 AM EST

Khamiis, December 15, 2011 (HOL) − Hay'adda samofalka Yardim Eli oo Turki ah ayaa sheegtay inay billowday mashruuc cusub oo loogu magac-daray "Walaaleynta Qoysaska" kaasoo lagu caawinayo qoysaska Soomaaliyeed ee dhibaatada badan soo maray.
Saraakiishii kasoo goostay Al-shabaab ee soo biiray Dowladda KMG oo iska fogeeyay inay mas'uul ka yihiin Qaraxyada ka dhaca Muqdisho
15/12/2011 7:09 AM EST

Khamiis, December 15, 2011 (HOL) − Saraakiishii horay uga soo goostay Xarakada Al-shabaab oo ku biiray DKMG ah ee Soomaaliya oo maanta shir jaraa'id ku qabtay x taliskii ciidamada badda Soomaaliya ee Muqdisho oo ay ku xareysan yihiin ayaa iska fogeeyay inay ka dambeeyaan qaraxyada isdaba-joogga ah ee ka dhacaya magaalada Muqdisho.
Kulan lagu falanqaynayo Xoojinta nabadda iyo horumarka gobolka Awdal oo ka furmay magaaladda Boorama (SAWIRRO)
15/12/2011 5:59 AM EST

Khamiis, December 15, 2011 (HOL) − Shir balaadhan oo lagaga hadlayo nabadgalyada, horumarka, waxbarashada iyo khilaafkii dhaqan ee gobolka Awdal ka jiray ayaa shalay ka furmay Hotel Rays ee magaaladda Boorama.
Dowladda Kenya oo Hay’adaha Samafalka ugu Baaqday inay Gargaar Geeyaan Goobaha ay ka Saareen Al-Shabaab
15/12/2011 5:54 AM EST

Khamiis, December 15, 2011 (HOL) − Dowladda Kenya ayaa ugu baaqday hay’adaha samafalka in ay gargaar biniaadanimo gaarsiiyaan dadka ku dhibaateeysan goobihii ay dhawaan kala wareegeen xoogaga Alshabaab ee gobollada Jubooyinka iyo Gedo.
Maamulka Al-shabaab ee Magaalada Kismaayo oo isugu Yeeray Qeybaha kala Duwan ee Ganacsatada Magaaladaas
15/12/2011 5:51 AM EST

Khamiis, December 15, 2011 (HOL) − Maamulka Xarakada Al-shabaab ee magaalada Kismaayo ee xarunta gobbolka jubada hoose ayaa maanta isugu yeeray qeybaha kala duwan ee ganacsatada magaaladaasi, iyadoona ay masuulyiinta sar-sare ee maamulka Al-shabaab ee Kismaayo iyo ganacsatadu ay maanta kulamo ku leeyihiin xarunta maamulka degmada ee Kismaayo.
Shir looga hadlay Qorshaha Sugiddga Amniga Soomaaliya oo ka dhacay Magaalada Nairobi ee dalka Kenya (SAWIRRO)
15/12/2011 5:51 AM EST

Khamiis, December 15, 2011 (HOL) − Raisul wasaare ku xigeenka xukuumadda KMG ah ee Soomaaliya, ahna wasiirka gaashaandhigga, Xuseen Carab Ciise ayaa shir guddoomiyay shir laba maalmood socday oo looga hadlay arrimo la xiriira ammaanka Soomaliya kaasoo ka dhacay magaalada Nairobi ee dalka Kenya labadii.
Wafdi ka socda Dowladda Britain oo gaaray degmada Doolow ee Gobolka Gedo
15/12/2011 5:30 AM EST

Khamiis, December 15, 2011 (HOL) − Wafdi ka socda dawlada ingiriiska ayaa gaaray degmada dolow ee gobolka Gedo, iyadoo wafdigu la kulmay maamulka degmadaas oo uu ugu horreeyo guddoomiyaha Cabdirashiid Janan waxayna kawada hadleen arrimaha gargaarka.
Muhaajiriin Soomaliyeed oo tiradoodu ahayd 168 ruux oo laga sii daayay Xabsiga Dhexe ee Magaalada Tripoli
15/12/2011 5:12 AM EST

Khamiis, December 15, 2011 (HOL) − Muhaajiriin Soomaaliyeed oo ay tiradoodu gaarayso 168 dhallinyaro ah, kana kooban 114 rag ah iyo 54 dumar ah, ayaa shalay laga sii daayay Xabsiga weyn ee ku yaalla Magaalada Tripoli ee dalka Libya.
DAAWO SAWIRRO laga soo qaaday deegaannada Buur-Gaabo iyo Raas-kambooni ee Gobolka Jubbada Hoose
15/12/2011 2:01 AM EST

Khamiis, December 15, 2011 (HOL) − Ciidamada dalka Kenya ayaa waxay labadii maalmood ee ugu dambeeyay saxafiyiin ka socda hay'ado warbaahineed geynaysay deegaannada ay kaga sugan yihiin ciidamadooda iyo kuwa dowladda KMG ah koonfurta gobolka Jubbada hoose.
Xisbiga UDUB oo wakhti u qabtay inay araajidooda kusoo gudbiyaan dadka hunguri ka hayo xilka Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa
15/12/2011 1:51 AM EST

Khamiis, December 15, 2011 (HOL) − Arbaca, December 14, 2011 (HOL)-Xisbiga Mucaaradka ah ee UDUB ayaa u mudeeyey dadka hunguri ka hayo inay isku soo sharaxaan Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka xisbigaasi inay ku keenaan araajidooda ay ku codsanayaan inay jagooyinkaasi u tartamayaan.
Carwo ganacsi caalami ah oo maalinta Sabtida ee soo socota laga furi doono Magaalada Hargeysa ee Somaliland
15/12/2011 1:46 AM EST

Khamiis, December 15, 2011 (HOL) − Carwo Ganacsi balaadhan oo Caalami ah ayaa maalinta sabtida ee soo socota laga furi doonaa Somaliland, gaar ahaan magaaladda Hargeysa, sida ay shaaciyeen guddida qabanqaabadda carwadan.
Barakacayaasha ku jira kaamamka Muqdisho qaarkood oo sheegay inaysan muddo bil ah mucaawinooyin
15/12/2011 1:41 AM EST

Khamiis, December 15, 2011 (HOL) − Barakacayaasha ku jira kaamamka Muqdisho qaarkood ayaa waxay sheegeen in muddo bil ah aysan helin wax gargaar ah iyagoo sheegay inay lasoo gudboonaadeen culeysyo dhinaca nolosha ah.

 
Communique: The Somali Business Community Meeting in Dubai  -UNPOS  

15/12/2011 11:44 AM EST  
newsinsideA Meeting of the Transitional Federal Government (TFG), the Somali business community and the international community took place in Dubai from 11 to 12 December 2011 organized by the United Nations Political Office for Somalia (UNPOS) and facilitated together with the United Nations Country Team and World Bank

Somalia: refugee emergency, Italy finances two mobile clinics  -StarAfrica  

15/12/2011 10:20 AM EST  
In response to the healthcare emergency in Mogadishu, the Italian Cooperation is supporting the Somali NGO Young Doctors Association (SOYDA) to provide healthcare to women and children refugees in the camps set up in the Waberi and Dharkenley districts of Mogadishu.

Soudan Street ‘like Somalia’: Councillor  -Telegraph  

15/12/2011 10:18 AM EST  
A handful of residents still living in a ‘condemned’ street in south Belfast have for the last two months been living in a rubble strewn mess as no one has come to clean up the rubble left by a construction company working on behalf of Northern Ireland Electricity (NIE) and the Housing Executive.

A Slow Motion Counter-Offensive  -Strategy Page  

15/12/2011 10:15 AM EST  
Kenyan forces in southern Somalia have moved up to 70 kilometers from the border, maintaining control of the main roads and forcing al Shabaab into the bush. Kenya only sent 2,000 troops in, to halt the al Shabaab raids across the border.

UN chief lobbies for bigger Amisom force  -Daily Nation  

15/12/2011 6:00 AM EST  
Kenya’s efforts to send troops to Somalia received a major boost after UN boss Ban Ki-moon asked the Security Council to expand the African Union Mission in Somalia (Amisom).

Kenyan military operation leaves Somali town dependent on food handouts  -AP  

15/12/2011 5:51 AM EST  
Trade stopped months ago when Kenyan soldiers came here in pursuit of al-Qaida-linked militants. Now thousands of unsold bags of charcoal are stacked 15 high, and fishermen are prohibited from going too far from the white sand shore.

Somalia: Comprehensive strategy to tackle Somali crises  -AL  

15/12/2011 2:42 AM EST  
UN Security Council urges comprehensive strategy to tackle Somali crises - The UN Security Council on Wednesday stressed the need for a comprehensive strategy to address the political, security and humanitarian challenges in Somalia through collaborative efforts.

Turkish charity launches aid projects for Somali families  -worldbulletin  

15/12/2011 2:34 AM EST  
Yardim Eli Aid Organization launched a project called "brothers family" to meet needs of Somali families who have been passing through tough days.

Somalia legislators block deputy Speaker  -Daily Nation  

15/12/2011 2:31 AM EST  
Somalia’s first deputy Speaker Abdiweli Sheikh Ibrahim Mudey was Wednesday blocked from entering Parliament, a day after Speaker Sharif Hassan Sheikh Aden was replaced.

Canada fast-tracks terror prosecution  -AFP  

15/12/2011 2:16 AM EST  
OTTAWA — Canada announced Wednesday it would move quickly to prosecute a Toronto man accused of planning to fly to Africa to join an Al-Qaeda affiliate battling for control of Somalia.

"Black Hawk Down" battle veteran on wars past and present  -WTVM  

15/12/2011 2:11 AM EST  
COLUMBUS, GA (WTVM) - A local Army veteran who trained as a Ranger on Fort Benning and served in a mission in Somalia best known as the "Black Hawk Down" mission is using the story of his fellow soldiers to inspire others to lead.

UN-backed invasion of Somalia spirals into chaos  -The Independent  

15/12/2011 2:05 AM EST  
The famine camps with their domed shelters made of rags and sticks are now surrounded by fields of green. The survivors sit among the clouds of flies and mosquitoes watching the planting season pass them by, living on handouts. The drought in southern Somalia is over but no one is going home.

 
 
  Contact : webmaster@hiiraan.com
hit counter
 
 
 

Opinion   |  Sports   |   Somali Music   |   Somali Map
All Rights Reserved Copyright. © 1999-2012, www.hiiraan.com