5/13/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Aug 5 , 2011
Ciidamada kawada tirsan Dowladda KMG ah ee Soomaaliya oo dad shacab ah ku laayay xerada Badbaado

Jimco, Ogoosto 05, 2011 (HOL) Ugu yaraan 10-qof oo shacab ah ayaa ku dhintay tiro intaas ka badanna way ku dahawceen rasaas ay ciidamada dowladda KMG ah ku fureen barakacayaal ku jira xerada Badbaado ee degmada Dharkeynley taasoo ah xerada ugu weyn ee ay dowladda KMG ah dajisay barakacayaasha ka yimid gobollada koonfureed ee dalka.

Rasaasta ay ciidamada dowladda KMG ah ku fureen dadka shacabka ah ayaa timid iyadoo la doonayay in dadka xeradaas ku jira loo qaybiyo mucaawino, taasoo ay isku dayeen ciidamadu inay dhacaan, balse ay shacabku ka hortageen.

"Mucaawinada markii la keenayay ayay ciidamadu damceen inay boobaab, balse waxaa taas ka jawaabay shacabka xeradaas ku jira oo iyaguna damcay inay boobaab gargaarka, balse rasaas ayaa lagu furay in ka badan 10-qof ayaana dhintay," ayuu yiri mid ka mid ah barakacayaasha.

Dadka dhintay oo dhan ayaa ahaa barakacayaashii ku jiray xeradaas, kuwaasoo dhowr jeer oo hore ka cawday dhac ay ciidamada dowladda KMG ah u geysteen raashin gargaar ah oo loogu talogalay.

Isbitaalka Madiina oo ka mid ah isbitaallada Muqdisho ayaa la gaarsiiyay inta badan dhaawacyadii ka dhashay rasaasta ay ciidamada dowladdu sida aan kala sooca lahayn ugu fureen barakacayaasha ku jira xerada Badbaado.

Taliyaha booliiska gobolka Banaadir G/sare Axmed Xasan Maalin oo ka warbixiyay shaqaaqada ayaa sheegay inay qabteen dhowr qof oo dagaalka ka dambeeyay, wuxuuna sheegay in xalaaddu ay haatan tahay mid daggan, ciidamada booliiskuna ay ilaalinayaan xerada.

Barakacayaashii ku jiray xeradaas ayaa saakay billaabay inay dib uga barakacaan xerada, iyagoo qaarkood ay u sheegeen HOL inay aadayaan goob walba oo ay ku heli karaan nabadgalyo.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya