
Talaado, Ogoosto 16, 2011 (HOL) – Madaxweynaha dalka Jabuuti oo booqasho hal maalin ah ku yimid Muqdisho ayaa isaga iyo wafdigiisu ay dib uga dhoofeen garoonka diyaaradaha ee Muqdisho, kaddib markii uu kulammo kala duwan la yeeshay mas'uuliyiinta ugu sarreysa dowladda.
Mudane Geelle ayaa sheegay in dhibaato abaareed ee ka jirta Soomaaliya ay aad uga badan tahay sidii uu filayay, isagoo sheegay in dowladdiisa iyo shacabkiisu ay garab-taagan yihiin walaalahooda Soomaaliyeed.
"Soomaaliya dhibaato ka badan intii aan filayay ayaa ku dhacday, runtiina waa mid galaysa taariikhda Soomaaliya ka galaysa baal, shacabkuna waxay gargaarka uga baahan yihiin ma ahan dalalka caalamka oo keliya, balse waxay uga baahan yihiin walaalahood iyo dalalka islaamka," ayuu yiri Geelle oo qiiro ay wajigiisa ka muuqatay.
Madaxweynaha Jabuuti, wuxuu tagay intii uusan ka dhoofin Muqdisho safaaradda ay Jabuuti ku leedahay Muqdisho, halkaasoo uu ka sheegay in dalkiisa uu bisha soo socota keeni doono ciidammadii uu horay u ballanqaaday.
Wafdiga ka socday Jabuuti ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Muqdisho kusii sagootiyay xubnaha dowladda ugu sarreeya oo uu ka mid yahay Sheekh Shariif Sheekh Axmed, isagoo sheegay inay aad ugu faraxsan yihiin booqashada Geelle uu ku yimid Soomaaliya.
Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya oo isaguna ka hadlay booqashada ayaa sheegay inuu aad u soo dhaweynayo, uuna uga mahadcelinayo shacabka, dowaldda iyo madaxda Jabuuti sida ay mar walba u garab taagan yihiin shacabka Soomaaliyeed.
Geelle ayaa sheegay inay Muqdisho ugu dambeysay 1989-kii, wuxuuna sheegay inuu rajeynayo inay kusoo laabato sidii ay xilligaas ahayd, isagoo sheegay inay tahay magaalo aad u burbursan.



Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya