Khamiis, Abriil 28, 2011 (HOL) – Xaflad si weyn loosoo agaasimay ayna ka qaybgaleen odayaasha dhaqanka beelaha wacbuudhan abgaal, aqoonyahano, dhallinyaro, haween iyo marti-sharaf kale ayaa maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho.
Kulankaasi ayaa waxgaradka iyo odayaasha dhaqanka beelaha Wacbuudhan waxay halkaasi ka jeediyeen khudbado kala duwan oo ay ku taageerayaan maamul goboleed loogu magacdaray Xamar iyo Xamar-daye oo dhawaan looga dhawaaqay magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya.
Xubnaha ka qqybgalay kulanka oo uu ka mid ahaa Garaad Xasan Siicow Maalin ayaa wuxuu halkaas ka jeediyay khudbad uu uga hadlay taageerada beesha ee ku saabsan maamulka cusub ee Xamar iyo Xamar-daye, waxayna tallaabadan ku tilmaameen mid soo daahday.
"Boor Wacbuudhan ku qoran yahay maanta ka hor ma arag, waana taageereynaa maamulka cusub ee Xamar iyo Xamardaye," ayuu yiri Garaad Xasan Siicow oo intaa ku daray: "Habar dhalmo dhameysay ah xitaa haddii ay Wacbuudhan madax ka dhigtaan aniga waa taageeraa,"
Nabaddoon Shariif Xuseen Jilacow oo halkaasi khudbad meelo badan taabaneysay ka jeediyay ayaa isaguna sheegay inay taageerayaan maamulkaan haddii ay yihiin odayaasha beesha Wacbuudhan Abgaal.
"Xamar iyo Xamardaye State waa nala leeyahay, waana kusoo dhoweyneynaa beelaha kale ee wax nala wadaaga," ayuu yiri Xuseen Jilacow yiri isagoo sheegay in caasimadda Muqdisho ay tahay mid Soomaali u dhaxeysa oo Qaranku leeyahay.
Malaaq Cali Malaaq Showri oo ah duubka Xamar iyo Xamardaye State oo isna kulanka taageerada ah ka jeediyay khudbad ayaa sheegay in kulankan taageerada ah aan lagu carqaladeynayn dowladda KMG ah isla markaana ay taageersan yihiin.
Sidoo kale, Malaaq Cali wuxuu sheegay in beelaha kale ee la deggan degaannaada beesha Wacbuudhan inay qayb ka yihiin dhismaha iyo maamulka Xamar iyo Xamar-daye State, wuxuuna ka codsaday madaxweyne Sheekh Shariif inuu kasoo qayb-galo kulammada dambe ee maamulkan lagu taageerayo, waayo buu yiri wuxuu ka mid yahay dadka deegaanka, ka sokow madaxweynenimada dalka Soomaaliya.
"Dowladaha Mareykanka iyo Ingiriiska waxaan ka codsaneynaa inay taageeraan maamul goboleedka cusub ee Xamar iyo Xamar-daye," ayuu yiri Malaaqa Xamar iyo Xamardaye State oo sheegay in dowladahaasi ay si weyn u yaqaanaan arrimaha dalka Soomaaliya, sidaasi darteedna wuxuu ku boorriyay madaxda wadamadaasi inay maamulkaan cusub la garab istaagaan taageero hiil iyo hooba leh.
Nabaddoon Caddow Cali Calasow (Caddow Bidisey) oo ka mid ahaa odayaasha dhaqanka beesha Wacbuudhan ee ka qaybgalay kulanka lagu taageerayo maamulka Xamar iyo Xamardaye ayaa ka codsaday beelaha kale ee Soomaaliyeed inay taageeraan maamulka cusub, isagoo si gaar ah uga hadlay madaxweynaha loo doortay maamulkan oo lagu magacaabo Jabriil Xaaji Maxamuud oo uu sheegay inuu yahay nin ay kala weyn yihiin da'diisa iyo garaadkiisa.
"Ninka loo doortay madaxweynaha maamul goboleedka Xamar iyo Xamar-daye State waa nin ay kala weyn yihiin garaadkiisa iyo da'diisa," ayuu yiri nabaddoon Caddow Bidixey oo sheegay inuu kasoo jeedo qoys nabaddoon oo aabihii uu ahaa nin aad iyo aad uga soo shaqeeyay arrimaha beesha dhexdeeda isla markaana ka mid ahaa waxgaradka beesha.
Dhinaca kale, waxaa halkaasi khudbad ka jeediyay waxgarad kale, aqoonyahano, haween iyo dhallinyaro kasoo jeeda beesha Wacbuudhan Abgaal, kuwaasoo si cad u sheegay inay taageerayaan isla markaana soo dhoweynayaan maamul goboleedka cusub ee Xamar iyo Xamar-daye oo ay sheegeen inuu kor u qaadayo horumarka degaanada beesha.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya