Kulan looga soo Horjeedo Maamulka Azaaniya ee Gobollada Jubooyinka iyo Gedo oo ka dhacay Degmada Bu'aale

Arbaco, Abriil 13, 2011 (HOL) kulan ay maanta isugu yimaadeen odoyaasha dhaqanka beelaha dega magaalada Bu'aale ee gobolka J/dhexe ayaa waxa looga soo horjeeday Maamul goboleedka Azaaniya Satate ee gobollada Jubooyinka iyo Gedo.

Kulanka oo ka dhacay hoolka shirarka ee magaalada Bu'aale ayaa waxa kasoo qeybgalay nabadoono, ugaasyo iyo salaadiin ka kala socotay beelaha ku dhaqan magaalada Bu'aale, waxaana guud ahaanba odoyaashii halkaasi ka hadlay ay cambaareen dusha kaga tuureen maamulka Azaaniya State iyagoona ku eedeeyay in maamulkaasi uusan wada shaqeyn la lahayn odoyaasha beelaha degan G/J/dhexe oo kamid ah gobollada loo dhisay maamulkaasi cusub.

Ugaas Xuseen Ugaas Max'uud Qorane oo kamid ahaa ugaasyadii halkaasi ka hadlayayaa isagu si kulul u cambaareeyay maamulka Azaaniya isagoona ku eedeeyay maamulkaasi in uu yahay maamul ay dhisteen dad aan u dhalan Jubooyinka, waa siduu hadalka u dhigaye.

Kulankan ayaa qeyb ka ah kulamo ceynkan oo kale ah oo mudooyinkan danbe ay yeelanayeen odoyaasha beelaha ku dhaqan Jubooyinka iyo Gedo kuwaa oo looga soo horjeeday maamul goboleedka Azaaniya ee gobollada Jubooyinka iyo Gedo kaa oo dhawaan looga dhawaaqay wadanka Kenya.

Xasan Nuur Max'ed, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo, Soomaaliya