4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Sept 19, 2010
Dowladda KMG ah oo sheegtay in Malaayiin Dollar ay ugu deeqeen dalalka Carabta, si wax looga qabto ammaanka

Axad, September 19, 2010 (HOL) − Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay taageero dhaqaale oo malaayiin Dollar ah ka heleen dalalka Carabta, kaddib shir ka dhacay magaalada Qaahira ee xarunta dalka Masar.

"Shirka waxaan ka jeediyay xaaladda Soomaaliya halka ay marayso, iyo kaalmada ay uga baahan yihiin dalalka Carabta, maadaama aanu carab nahay, waxaana naloo ballanqaaday 10-Milyan oo Dollar," ayuu yiri wasiirka arrimaha dibadda DKMG Yuusuf Xasan Ibraahim oo shir jaraa'id ku qabtay Qaahira.

Wasiirku wuxuu sheegay in shirkii Jaamacadda Carabta ee ka dhacay Qaahira, ay looga dooday xaaladda dalka Soomaaliya, isagoo xusay in ciidamo badan oo la geeyo Soomaaliya ay ka wanaagsan tahay in la xoojiyo ciidammada Soomaaliya.

"Ururka Midowga Afrika wuxuu ballanqaaday inuu ciidamo dheeraad ah u dirayo Soomaalia, waxaase marka hore la dhameystiri doonaa sideeddii kun ee horay loo ballanqaaday," ayuu wariyeyaasha Qaahira ugu sheegay Yuusuf Dheeg, isagoo ka hadlayay ciidanka AMISOM ee ku sugan Soomaliya.

Yuusuf Dheeg, wuxuu sheegay in dalka Soomaaliya uu u baahan yahay taageero dhinac walba, si uu uga baxo qalalaasaha uu kusoo jiray mudadda dheer, isagoo ku sheegay lacagta loo ballanqaaday in la siinayo Soomaaliya bil walba ay tahay mid uu horay u dalbaday madaxweyne Sheekh Shariif.

Dalka Soomaaliya, ayaa ka mid ah dalalka Jaamcadda Carabta, waxaana hoggaanka ururkan hayay bilihii lasoo dhaafay Soomaaliya, iyadoo looga wareejiyay shirkan, waxaana shirkan uu noqonayaa kii ugu horreeyay oo lagu ansixiyo lacag cadadkaan ah oo lagu taageero Soomaaliya.

Maxmaed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya