4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Sept 19, 2010
Maamulka Hornafirk iyo Dowladda Soomaaliya oo wax laga xumaado ku tilmaamay la wareegiddii Idaacadda

Axad, September 19, 2010 (HOL) − Maamulka idaacadda iyo TV-ga Hornafirk iyo dowladda Soomaaliya ayaa cambaareeyay la wareegiddii ay Xarrakatul Shabaab la wareegtay xarunta Idaacadda ee Muqdisho, iyadoo maamulku uu sheegay inaysan joogsanayn howlaha idaacadda.

"Waxaa la qaatay wax walba oo yaalay xarunta idaacadda, waxaana qalabka la qaatay ka mid ah FM-yadii Hornafrik, Capital Voice, qalalbkii TV-ga iyo qalab ay lahayd wakaaladda wararka ee Reuters oo ay wada-shaqeyn naga dhexeysay," ayuu yiri agaasime ku xigeenka idaacadda iyo TV-ga Hornafrik Cali Maxamed Guutaale (Cali Qummeyni) oo sheegay inay filayeen in mar uun idaacadaas la geli doono.

Agaasimaha idaacadda Hornafrik C/qaadir Jiirow Sharma'arke ayaa falkan ku sheegay isagoo ku sugan dalka Hargeysa mid laga xumaado, wuxuuna intaas ku daray inaan sidan lagu aamusin karin Hornafrik oo ay howlaheeda dib u bilaabayso.

Ciidamo hubeysan oo ka tirsan Xarrakatul Shabaab ayaa xalay gudaha u galay xarunta Idaacadda Hornafrik, iyagoo la wareegay dhammaan qalabkii yaallay, iyagoo weli gacanta ku haya xarunta idaacaddaas.

maamulka idaacadda ayaa sheegay inay layaab ku noqotay in Xarrakatul Shabaab ay gudaha u galaan idaacadda oo ay la wareegaan, maadaama ay inta badan iyaga taageeri jirtay.

Dhanka kale, dowladda KMG ah ee Soomaaliya ayaa cambaareysay falalkii lagula wareegay idaacadaha Hornafrik iyo GBC Muqdisho, waxayna ku tilmaameen fal aad looga xumaado oo lagu caburinayo saxaafadda xorta ah.

"Waxaan cambaareynaynaa falkaas foosha xun ee ka dhan ah saxaafadda xorta ah. waxaana falkan uu calaamad u yahay sida loo burburinayo saxaafadda gaarka loo leeyahay," ayuu yiri wasiirka wafaafinta Soomaaliya Inj. C/raxmaan Yariisow oo soo saaray warsaxaafadeed uu arrintaan kaga hadlayay.

Dowladda ayaa warkeeda ku sheegtay inay tahay markii shanaad oo ay Xarraatul Shabaab iyo Xisbul Islaam la wareegeen idaacaddo madaxbannaan tan iyo markii uu sannadkan bilowday.

Ururka Xisbul Islaam ayaa isaguna la wareegay saakay idaacadii GBC ee codka nabadda, taasoo ay u bixiyeen sida la sheegay Idaacadda Islaamiga ah ee GBC, ayna wixii hadda ka dambeeya ku hadli doonto afkooda.

Maxmaed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya