4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Sept 19, 2010
Dowladda Nayjeeriya oo dalbatay dhaqaale ciidamo ay ku biirinayso AMISOM ay ugu diri lahayd Soomaaliya

Axad, September 19, 2010 (HOL) − Dowladda Nayjeeriya ayaa Qarammada Midoobay ka codsatay inay ku taageeraan dhaqaale ay ciidammo ugu diraan dalka Soomaaliya, si ay uga mid noqdaan ciidamada AMISOM ee ku sugan Muqdisho.

Wakiilka joogtada ah ee dalka Nayjeeriya u fadhida Qarammada Midoobay Joy Ogwu, ayaa sheegtay in dalkeeda uu diyaar u yahay inuu ka qaybqaato howlgalka AMISOM, balse ay doonayaan dhaqaale ay ku daadgureeyaan ciidankooda.

"Qarammada Midoobay waxaan ka doonaynaa inay bixiso dhaqaalaha aan ciidamo ugu diri lahayn dalka Soomaaliya iyo qalabkii ay ku howlgeli lahaayeen," ayay Ogwu ka sheegtay kulankii golaha ammaanka Qarammad Midoobay ee looga hadlayay arrimaha dalka Soomaaliya.

Dalka Nayjeeriya ayaa wuxuu ka mid ahaa dalalkii ka ballanqaaday shirkii July ay madaxda uurka Midowga Afrika ku yeesheen magaalada Kampala ee dalka Uganda. Ms Ogwu, waxay sheegtay in howlagalka AMISOM la badalo, awoodna loo siiyo inay nabad dhalin karaan.

"Howlgalka AMISOM inuu guuleysto waxay ku xiran tahay hadba sida loo bixiyo kaalmada ay u baahan yihiin, dib u dhac walba oo ku yimaada ciidamadii lagu biirin lahaa AMISOM-na waxaa sabab u ah taageero la'aan iyo qalab la'aan," ayay tiri Ogwu.

Ms Ogwu, waxay sheegtay in ciidamdoodu ay u baahan yihiin mushaarka ay helaan ciidamada AMISOM ee ku sugan Muqdisho, iyadoo sheegtay in dhaqaalaha ku bax uu yahay sidan: askari kasta wuxuu mushaar u helaa: 1,028-Dollar, gunno ahaan wuxuu u helaa 303-Dollar, dharka askarigana waa 68-Dollar iyo 5-Dollar oo hubka ah.

Maxmaed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya