4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Sept 19, 2010
Wasiir ka tirsan Puntland oo sheegay in xoog lagu soo furanayo maraakiibta afduubka loogu haysto xeebaha gobolka

Axad, September 19, 2010 (HOL) − Wasiir ku xigeenka wasaarada kuluumaysiga iyo khayraadka Puntland C/qaadir Muuse oo shir ku qabtay Garowe ayaa sheegay in maamulka uu qaadayo talaabooyin muhiim ah oo looga hortagayo Burcad Badeeda.

"Waxaan labo sano gudaheed aan ku soo qab qabanay boqolaal ruux oo burcad badeed ah oo ku jira xabsiyada gobolka ,kuwaasi oo qaarkood danbiga lagu soo qabtay " ayuu yiri C/qaadir Muuse mar uu warbaahinta la hadlayay.

Waxaa kaloo uu wasiirka sheegay in degmooyinka Ayl iyo Baargaal laga fuliyay howlgalo burcadda badeeda lagula dagaalamayo,waxaana uu tilmaamay in guulo arimahaasi laga gaaray.

Mar wasiirka wax laga waydiiyay maraakiib lagu haysto xeebaha Garacad iyo Ceelaayo ayuu sheegay in ay jiraan diyaar garow la xiriira sidii xoog loogu soo furan lahaa maraakiibtaasi.

"looma qaadan karo in burcad badeeda laga gaabsaday ,balse waxaa jira diyaar garow la xiriira inaan soo furano maraakiibta ay haystaan " ayuu hadalkiisa sii raaciyay isaga oo ku sugan magaalada Garowe.

Hadalka wasiirka ayaa imaanaya ,iyadoo ay jiraan maraakiib lagu haysto xeebaha Puntland ,waxaana afduubyada maraakiibta ay aad u soo kordheen labadii sano ee ugu danbaysay.

Ugu danbayntii C/qaadir Muuse wasiir ku xigeenka kaluumaysiga iyo khayraadka Puntland ayaa ka codsaday dowladaha dariska ah in dowlada laga taageero howlgalada la xiriira dhinac burcad badeeda.

Faisel Maxamed Hassan,Hiiraan Online
[email protected]
Boosaaso,Soomaaliya