4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Sept 19, 2010
Dowladda Yemen oo sheegtay inay ciidammadeedu qabateen markab sun ku daadinayay badda cas

Axad, September 19, 2010 (HOL) − Xukuumadda dalka Yemen ayaa sheegtay inay qabatay markab watay calanka dalka Malta oo 20-haamood oo sun ku daadiyay badda cas, gaar ahaan xeebaha dalkeeda.

"Markabka wuxuu ka furtay dekedda Cadan, waxaana markii uu 30 Mayl dekedda ka fogaaday uu bilaabay inuu daadiyo haamo ay ku jiraan sun la baarayo waxay tahay, waxaana gacanta kusoo dhigay ciidamada badda dalka Yemen," ayuu yiri taliyaha ciidammada ilaalada xeebaha dalka Yemen Axmed Cali Rase.

Taliyuhu, wuxuu sheegay in markabka ay gacanta ku hayaan, ayna baarayaan, isagoo sheegay inay layaab ku noqotay sababta markabkan uu ugu daadiyay haamo ay suni ku jirto xeebaha dalka Yemen.

"Xeebaha dalka Yemen waxaa laga hayaa ilaalo xoogan, lamana mid ahan kuwa Soomaaliya, waxaana layaab ahayd sababta uu u ugu shubay xeebta Yemen sun isagoo heli kara inuu ku shubo badaha dalka Soomaaliya oo aan ilaalo lahayn," ayuu yiri taliyaha oo la hadlayay saxaafadda.

Markabkan ayay dowladda Yemen sheegtay inuu si sharci ah ugu soo xirtay dekedda Cadan, lagana dajiyay rarkii saarnaa, balse aanay jirin wax baaritaanno ah oo lagu sameeyay haamahan uu waday.

Haamaha sunta ee saaran markabkan la qabtay ayaa la sheegayaa inay ka badan yihiin 20-haamood, iyadoo lagu wado in marka uu baaritaanka dhammaado la xukumi doono Markabka, shirkadda iska leh iyo shaqaalaha la socda.

Dhanka kale, ciidamada dalka Yemen ayaa shalay ka badbaadiyay markab ganacsi oo marayay marinka Baabul-mandab burcadbadeed Soomaali ah oo doonayay inay afduub ku qabsadaan.

Maxmaed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya