4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Sept 19, 2010
Kulankii baarlamaanka Soomaaliya oo mar kale maanta dib u dhacay, iyo khilaafkii Madaxda sare oo taagan

Axad, September 19, 2010 (HOL) − Waxaa maanta mar kale dib u dhac uu ku yimid kulankii ay xilddhibaannada baarlamaanka Soomaaliya yeelan lahaayeen, kaasoo la filayay inay ku xukuumaddu ku hortimaaddo si codka kalsoonida loogu qaado.

Mudanayaal ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa xaqiijiyay dib u dhaca maanta mar kale ku yimid fadhigii baarlamaanka, iyadoo aanay jirin sabab uu u baaqday kulanka baarlamaanka ee maanta.

Warar hoose ayaa sheegaya in guddoomiyaha baarlamaanka uu baajiyay kulankii maanta dhici lahaa, iyadoo baaqashii kulankii shalay ay xildhibaanno baarlamaanka ka tirsan ku eedeeyeen inuu ka dambeeyay Sharif Xasan Sheekh Aadan.

Baaqashada kulammada baarlamaanka ayaa loo aaneynayaa khilaafka u dhexeeya Madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Ra'iisul wasaare Cumar c/rashiid Cali Sharma'arke, iyadoo labada mas'uul uu mid walba wado qorshe uu ku kasbanayo inta badan xildhibaannada baarlamaanka.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka socday tan iyo Khamiistii oo 296-mudane oo ka tirasn baarlamaanka ay u codeeyeen inay xukuumaddu kalsoonida weydiisato baarlamaanka kulamo ay leeyihiin xubnaha baarlamaanka ee kala taageersan labada mas'uul.

Xildhibaanno shalay kulan aan rasmi ahayn ku yeeshay xarunta Golaha Shacabka ee Muqdisho ayaa sheegay inay guddi qoraal u saareen sidii ay guddoomiye Shariif Xasan u weydiin lahaayeen sababta uu u baajiyay kulankii Sabtidii dhici lahaa.

Khilaafka mas'uuliyiinta sarsare ayaa u muuqda inuu kala qaybiyay xukuumadda oo dhan, iyadoo guddoomiyaha baarlamaanka iyo ku xigeennadiisa la sheegay inuu soo dhexgalay khilaaf ku saabsan mooshinka loo qaadayo xukuumadda.

Maxmaed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya