4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Sept 18, 2010
Xildhibaanno kulan ku yeeshay Muqdisho, kana dalbaday xukuumadda inay hortimaaddo baarlamaanka

Sabti, September 18, 2010 (HOL) − Xildhibaanno baarlamaanka Soomaaliya qaarkood ayaa maanta kulan ku yeeshay xarunta golaha shacabka, iyagoo ku celiyay baaqii ahaa inay xukuumaddu hortimaaddo baarlamaanka si ay kalsoonida u weydiisato.

Mudanayashan kulanka yeeshay ayaa waxay ka hadleen sababta baajisay kulankii maanta la filyay inuu baarlamaanku yeesho, kaasoo xukuumadda loogu yeeray, waxayna dhisteen guddi shan xubnood oo ay guddoomiye u tahay xildhibaanad Caasho Axmed Cabdalla.

"Xildhibaannada maanta kulanka ku yeeshay xarunta golaha shacabka waxay gaarayeen 139-xubnood, waxayna ku baaqeen in kulanka berri la qabto ayna xukuumadda hortimaaddo baarlamaanka," ayay tiri xildhibaanad Caasho Cabdalla.

Guddigan ayay sheegtay Xildhibaannadu inuu qoraal u geyn doonaan guddoomiyaha baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan, kaasoo ay ku weydiinayaan sababtii keentay inuu fasaxo xildhibaanada, uuna joojiyo kulankii maanta dhici lahaa.

Mudanayaashan oo la sheegay inay xiriir la leeyihiin madaxweynaha Soomaaliya, ayaa kulankooda wuxuu imaanayaa xilli uu baaqday kulan loogu yeeray xukuumaddu inay ku horyimaaddo baarlamaanka si codka kalsoonida loogu qaado.

Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid ayaa dorraad sheegay inuusan jirin kulan ay yeesheen xildhibaannada baarlamaanka, maadama aysan goobta joojin xubnihii kooramka buuxin lahaa, wuxuuna kulankaas ku tilmaamay mid fowdo ah.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya