4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Sept 18, 2010
Wasiirka Wafaafinta dowladda KMG iyo Wasiirka Wafaafinta Puntland oo kulan ku yeeshay Muqdisho

Sabti, September 18, 2010 (HOL) − Wasiirka warfaafinta xukuumadda federaalka KMG ah C/raxmaan Cumar Cusmaan (Inj. Yariisow) ayaa maanta kula kulmay wasiirka warfaafinta Puntland C/xakiim Axmed Guuleed iyadoo labada wasiir ay ka wadahadleen arrimaha saxaafadda Soomaaliya.

Booqashadan oo qaadaneysa saddex maalmood, ayaa ah tii ugu horreysay ee nooceeda ah ee wasiir warfaafineed oo Puntland uu ku yimaado Muqdisho, waxayna muujineysaa baahida loo qabo in hay’adaha federaaliga iyo kuwa goboleedyadu u shaqeeyaan si midnimo leh.

Warsaxaafadeed kasoo baxya wasaaradda wafaafinta Sooamaliya ayaa lagu sheegay in labada wasiir ay ka xaajoon doonaan ajandeyaal ku saabsan sidii isbeddel loogu sameyn lahaa warbaahinta Soomaaliya, wuxuuna u qornaa sidan:

  1. In laga shaqeeyo horumarinta warbaahinta Soomaaliya, lana dhowro madaxbannaanida, daacadnimada, run-sheegga iyo dhexdhexaadnimada warbaahinta Soomaaliya. Suxufiyiintana ay u hoggaansamaan shuruucda dalka iyo kuwa caalamigaba iyagoo dhowraya anshaxa iyo asluubta saxaafadda.
  2. In Puntland laga caawiyo sidii ay u dhisan lahayd awood warbaahineed oo ay ku jiraan raadiyeyaal FM-yo ah si sare loogu qaado wacyigelinta dadweynaha, isla markaana gacan looga geysto sidii loola dagaallami lahaa dhaqanka ku dhisan qaska ee Soomaaliya loo soo waariday.
  3. In wasaaradaha warfaafinta ee xukuumadda KMG ah iyo Puntland ay yeeshaan qaab-wadashaqeyn oo dhameystiran.
  4. In la sameeyo hab mideysan oo dhammaan warbaahinta Soomaaliyeed lagu diiwaan-geliyo, laguna siiyo ruqsada howlgalka ee heer qaran.
  5. In la dhiso awoodda wariyeyaasha Soomaaliyeed, sidaasi darteedna waxaa qorsheyaal taabagal ah loo dajin doonaa sidii Puntland looga furi lahaa machad lagu barto saxaafadda, si loo soo saaro saxafiyiin xirfad leh oo mas’uul ah.
  6. In dib loosoo nooleeyo Wakaaladdii Wararka Qaranka Soomaaliyeed (SONNA), taasoo uruurin doonta, isla markaana faafin doonta wararka Soomaaliya oo dhan.
  7. In la qabanqaabiyo isweydaarsi saxafiyiinta si ay isku dhaafsadaan cilmi iyo waayoaragnimo.
  8. In la dhiso xiriir wanaagsan oo dhexmara xukuumadda KMG iyo Puntland, gaar ahaan dhinacyada muhiimka u ah labada dhinac.

Booqashada Wasiirka ka socda Puntland waxay muujineysa in is-dhaafsiga booqashooyinka ay dhalin doonaan xiriir wada-shaqeyneed oo wanaagsan.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya