4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Sept 18, 2010
Dowladda Kenya oo sheegtay in beesha caalamku ay dayacday wax ka qabashada ammaanka Soomaaliya

Sabti, September 18, 2010 (HOL) − Beesha Calaamku waxay dayacday inay nabad kusoo celiso dalka Soomaaliya oo ay ka jiraan xaalado ammaan oo aad u xun, ayuu wasiirka warfaafinta Kenya u sheegay Jimcihii shalay saxaafadda, isagoo daboolka ka qaaday in Mareykanka uu ka fogaanayo inay ku dhacdo mid la mid ah ceebtii ku dhacday sannadkii 1992-kii oo faragelin ciidan uu ku sameeyay Soomaaliya.

Qalalaasaha ka taagan Soomaaliya, ayuu Moses Wetangula ku sheegay inay yihiin kuwo ka daran, dagaallada Sudan, kuwa Afgaanistaan, dagaalka daroogada ee ka taagan dalka Mexico iyo xaaladaha bariga dhexe.

"Waan ognahay... imisa jeer ayuu Mareykanku duqeeyay Afgaanistaan, ayna kaga baxaysay maalin walba malaayiin Dollar. Gobolka bariga Afrika, waxay weydiistaan 500-Milyan oo Dollar, maalin walba, bil walba iyo sannad si wax looga qabto xaalka dalka Soomaaliya, oo uu bixin la'yahay," ayuu yiri Wetangula.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Kenya, wuxuu sheegay in qaska iyo dagaallada ka socda Soomaliya ay khatar muuqata ku yihiin dalalka gobolka, iyadoo Xarrakatul Shabaab ay sheegtay inay dowlada Soomaaliya xilka ka tuurayso.

Mar la weydiiyay sababta Soomaaliya wax looga qaban waayay ayuu ku jawaabay: "Martidaada waa kuwo aad ka fikirayso. Mareykanka, waxaa laga yabaa inuu weli xusuusto ceebtii ka raacday markii uu halkaas tagay, ma garanayo, in tani ka tahay siyaasad."

Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay inay taageersayaan dowladda itaalka daran ee Soomaaliya, taasoo ay dagaallo ku hayaan xoogag kasoo horjeeda, sidoo kalena wuxuu sheegay inuu ku taageerayo AMISOM, qalab, tababar iyo waxyaabo kale.

Wetangula, wuxuu sheegay in dhibaatada ka jira Soomaaliya aysan Kenya u ahayn mid khatar ah oo keliya, balse ay ka baqayaan in Xarrakatul Shabaab ay qaraxyo la mid ah kuwii ka dhacay Kampala ee dilay 76-qof, ay ka geystaan dalkooda.

"Niyadda ayaan ku haynaa dhacdadaas oo kale, waayo haddii ay qarxiyeen Kampala waxay awood u leeyihiin inay qaraxyo ka geystaan qaybo kale oo ka tirsan bariga Afrika," ayuu yiri wasiirka arrimaha dibadda ee Kenya.

Xarraatul Shabaabul Mujaahidiin ayaa waxay sheegtay bishii hore inay weerarro ku qaadi doonto, dal walba oo ciidamo u soo dira Soomaaliya, iyagoo ku celiyay inay qaraxyo kale ka geysan doonaan dalka Uganda.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya