4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Sept 18, 2010
Madax ka tirsan hay’ada World Vision oo sheegay in xarumo TB-da lagu daaweyo ay ka hirgalin doonaan Puntland

Sabti, September 18, 2010 (HOL) − Madax ka tirsan hay’ada World Vision oo soo gaaray Puntland ayaa wada kulamo ay la qaadanayaan madaxda dowlada si loo hormariyo howlaha hay’ada ay ka qabato gobolka oo dhan.

Masuuliyiintii ay shalay la kulmeen waxaa ka mid ahaa Wasiir ku xigeenka wasaaradda caafimaadka Puntland Dr. Maxamed Xirsi Ducaale ,waxaana ay ka wada hadleen sidii xarumo caafimaad oo TB-da lagu daweeyo looga furi lahaa Puntland.

"Waxaan ku wada ballanay sidii aan uga wada shaqayn lahaa hormarinta xarumaha caafimaad ee gobolada " ayuu yiri wasiirka ku xigeenka wasaarada caafimaadka Puntland oo masuuliyiinta kula kulmay Garowe.

Sidoo kale wasiirka waxa uu sheegay in ay jiraan dhibaatooyin badan oo dhanka caafimaadka ah oo ka jira xeryaha barkacayaasha ,isla markaana la balaabi doono olole wax looga qabanayo arintaa.

"Wafdigan inta ay joogaan waxay soo arki doonaan goobaha barkacayaasha ay ku noolyihiin si ay u soo qiimeeyaan" ayuu yiri Maxamed Xirsi mar uu warbaahinta la hadlay.

Masuul u hadlay World Vision oo ahaa nin cadaan ah ayaa sheegay in si samafal ah ay wax uga qaban doonaan baahida gobolka ee dhinac caafimaadka,waxaana uu balan qaaday in xaalada ay wax ka badali doonaan.

Xubnahan ka socd World Vision ayaa ka kooban afar xubnood ,waxaana Puntland ay ku yimaadeen booqosho labo cisho ah si xafiisyada hay’ada ee Puntland loo balaariyo.

Faisel Maxamed Hassan, Hiiraan Online
[email protected]
Boosaaso,Soomaaliya