4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Sept 18, 2010
Qarax xalay ka dhacay Guriga Wasiir ka tirsan Xukuumadda Somaliland

Sabti, 18 September, 2010 (HOL)- Taliyaha guud ee Ciidamada Booliska Cilmi Rooble Furre iyo Guddoomiyaha Gobolka Maroodi-jeex Axmed Cumar Cabdilaahi (Xamarji), ayaa ka hadlay Qarax xalay ka dhacay Guri mid ka mid ah Wasiirada xukuumadda.

 

Labadan masuul oo ay weheliyaan masuuliyiin kale oo ka tirsan laamaha amniga ee dawladda, isla markaana shir-jaraa’id ku qabtay xarunta Laanta dembi-baadhista ee magaalada Hargeysa, ayaa ugu horrayn waxa ka hadlay Taliyaha guud ee Ciidamada Booliska Cilmi Rooble Furre, waxaanu ka warbixiyay sababta dhalisay Qarax xalay fiidkii ka dhacay Guriga Wasiirka Xannaanada xoolaha iyo Deegaanka Dr. Axmed Xaashi Oday ee magaalada Hargeysa, kaas oo uu ka dhashay khasaare fudud. “Caawa (xalay) markay saacaddu ahayd 7:10pm ee fiidnimo waxa Guriga Wasiirka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha waxa ka dhacay Qarax, qaraxaasi wuxuu ka dhacay dhinaca galbeed ee guriga oo ay taalo kulaylisadii Taangiga Biyuhu. Markaanu Gurigii tagnay, waxaanu u yeedhnay dadkii Miinada aqoonta u lahaa iyo rag kale oo khibrad ah u leh waxyaabaha qarxa, markii aanu baadhnay waxa la ogaaday 80% in Qaraxaas uu ka dhacay Taangiga Biyaha kulaylisadiisa,” ayuu yidhi Taliyaha Boolisku.

 

Mar uu Taliyuhu ka hadlayay war ay qaar ka mid ah warbaahintu xalay baahisay oo la xidhiidha in la weeraray Guriga Wasiirka, ayaa wuxuu yidhi, “Warka in lagu degdego maaha, warkan aanu hadda idin siinayna waa hordhac, natiijada rasmiga ahna waanu idin siin doonaa,” waxaanu intaa raaciyay oo uu yidhi, “Guri Wasiir baa la weeraray waxay ka dhigan tahay Xamarta la qarxinayo oo Hargeysa ayaa la weeraray weeye. Magaca iyo sharafka in laynaga xumeeyo maaha.”

 

Sidoo kale, waxa isna halkaa ka hadlay Guddoomiyaha Gobolka Maroodi-jeex Axmed Cumar Cabdilaahi (Xamarji) oo ka warbixiyay khasaaraha ka dhashay qaraxaas, “Cid wax ku noqotay ma jirto, Gidaarka dambe ee Baadka (Qolka maydhashada) oo dumay mooyaane, waxaanu ka dhashay sida taliyuhu idiin sheegay Shoodh koronto ka qarxay Kulaylisada Biyaha Taangiga,” ayuu yidhi, waxaanu intaas raaciyay oo uu yidhi, “Qarax dibadeed oo guriga ka dhacay ma jiro, nabadgelyaduna way sugan tahay, guri dawladeed iyo mid gaar loo leeyahay oo Qarax ka dhacay ma jiro, magaaladuna waa amni.”

 

Barkhad M. Kaariye   Hiiraan Online

[email protected]

Hargeisa, Somaliland