4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Sept 18, 2010
Madaxweyne-xigeenka Somaliland oo ka hadlay Mudaharaad rabshado watay oo ka dhacay Borama

Sabti, 18 September, 2010 (HOL)- Saddex qof ayaa ku dhaawacmay mudaharaad rabshato watay oo ka dhacay magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal.

 

Mudaharaadayaasha oo dhagxaan la dhacay saldhiga Booliska iyo ciidanka, waxay ka gadoodeen warar ay sheegeen inay maqleen oo la xidhiidha in dawladda Itoobiya loo dhiibayo dad ku eedaysan dhacdadii xeebta galbeed ee gobolka Awdal, iyadoo tiro ka mid ah dadkaasna la qabqabtay.

 

Madaxweyne-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) iyo Wefti uu hoggaaminayo oo u amba-baxaya magaalada Borama oo ka hadlay siday wax u dhaceen, ayaa sheegay in ay Borama ku sugan yihiin Wefti ka socda dalka Itooibya. “Runtii arrintu wax wayn may ahayn waxay ahayd dhacdo yar oo si qaldan u dhacday, waxayna ahayd nimankii arrintii10-kii bisha dhacday baabuurtii dirawaladoodii, oo Saylac laga soo waday oo markii ay Boorama soo marayeen ayaa waxa dhacday in askartii waday ay saldhiga kula leexdeen, waxa iyaguna jiray wefti ka yimi degmada ayu jaarka nahay ee Awbare oo uu imika iskaashi xaga amniga naga  dhexeeyo, ka dib waxa laga dhigay in inamadan la soo waday ee Somaliland dambiga ka galay ee la baadhayo ee lagu soo waday xarunta Hargaysa in loo dhiibayo qoladaa Itoobiyaanka ah intiibaa markaa la buun buuniyey oo eheladii inamadaa dirawaliinta ah soo kiciyey” ayuu yidhi Saylici oo u waramay VOA.

 

Mar Saylici la waydiiyay waxa isku beegay socdaalka weftiga iyo maxaabiista xidhan iyo in la doonayo in Itoobiya loo dhiibo maxaabiista, ayaa wuxuu ku jawaabay oo uu yidhi, “Maya, runtii walaal waxba kama jiraan arrin dad Itoobiya gacan loo galinayaana ma jiraan, anagu qaranka Somaliland ayaanu nahay wixii dambi galayna anaga ayey naga galeen oo wixii Itoobiya lagu xumaynayo waa dambi anaga lanaga galay, markaa waa wax isku toosmay, waa la soo waday, waananu la soconay, sababta loo soo mariyey xagaa galbeedkuna waxa weeye meel ka dhaw ayaa jirtay oo la soo marin karayey, waxa jiray nin laga qabtay jabhadii ONLF oo lagu soo darayey, markaa kolay isgaadhsiin ayaa jirta waa laga yaabaa inay maqleen in la soo sido, markaa imaanshihii ay yimaadeen iyo nimankan ka yimi dawlada aanu jaarka nahay oo ay maamulka gobolka iska waraysanayeen arrimaha amniga oo kulan ay wada yeesheen, markaa waxay arkeenuun baabuuro ay qoladaasi wateen iyo imaatinka nimankan la keenay, taas ayuun baa rabshada keentay tiina way dhamaatay, nimankii fakadayna waanu ku daba jirnaa oo ah laba nin oo meesha ka fakaday intii kalena waa la hayaa waana la soo gudbinayaa,” waxaanu intaa raaciyay oo uu yidhi, “Way yimaadaan maanta kaw maaha, sida aad ogtahay Itoobiya xad aad u dheer ayaa naga dhexeeya waxaanu iska kaashanaa amniga, markaa wax maanta kaw ah maahee markasta way yimaadaan ha yimaadaan Wajaale ama ha yimaadaan Boorama ama meel kale oo xad ah ha yimaadaan, wax cusub maaha waa iskaashiga naga dhexeeya ee amniga ah iyo wixii warar ah ee aanu kala qaadanayno.”

 

Madaxweyne-xigeenkua oo ka hadlay inta baxsatay maxaabiista iyo inta la hayo, ayaa wuxuu yidhi, “Laba imika maqan oo lagu raad-joogaa labadii kale iyo ninkii jabhada laga hayeyna waa la hayaa. Waxaanu gacanta ku haynaa waa saddex nin”

 

Saylici oo la waydiiyay in Itoobiyaanku dalbadeen in gacanta loo geliyo maxaabiista, ayaa wuxuu ku jawaabay oo uu yidhi, “Maya, markan xataa ay dhibtu dhacday ee nimankan ehelada ahi ay weerareen baabuurka ay C.I.D-du wadatay ee ay maxaabiista ku sideen, iyagu marka Hutel Rays la yidhaahdo ayey fadhiyeen, waanay sii socdeen wada hadalkiina wuu dhamaaday, wax hawshaas ah oo taagnaaba ma jiro, anagu qaran ahaana raggaas anaga ayaa dirnay rag xarunta C.I.D-da Hargaysa laga diray ayey ahaayeen, ka dibna soo siday raga oo Hargaysa ayey u soo socdeen, wax hawshaa khuseeya oo ay u socdeena ma jirin.”

 

Sidoo kale, mar Saylici la waydiiyay ujeedada socdaalka Weftiga uu hoggaaminayo ee Borama, ayaa wuxuu yidhi, “Kollay isbedel ayaa dalka ka dhacay, wali waxa jira ee arrinta xasaasiyada ku abuuray waa taageerayaashii UDUB oo isbedelka cusub ilaa hadda yar qaadan la’ oo liqi kari la’, markaa kolay inaanu gacanta soo marino aniga iyo niman odayaal ah iyo xildhibaano aanu ku tagno ayaa noo qorshaysan haddii alla yidhaahdo, waxaananu u tagaynaa inaanu xaaladahan jira soo dejino.”

 

Barkhad M. Kaariye   Hiiraan Online

[email protected]

Hargeisa, Somaliland.