4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Sept 18, 2010
Abaabul ciidan iyo isku hub urursi ka jira magaalada Beledweyne iyo deegaannada ku hareereysan

Sabti, 18, Sep, 2010 (HOL) Saacadihii aynu soo dhaafnay hadal heyta ugu badan magalada Beledweyne marka aad eegto waxaa la oran karaa waa mid ku wajahan abaabul dagaal iyo dhaq dhaqaaqyo ciidan oo ka jirra magaalada Beledweyne iyo deegaannada ku dhaw-dhaw.

Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Xoogagga Xarrakada Mujaahidiinta Al-shabaab ayaa u muuqda kuwa isku birro tumanaya, waxaana wararku intaa ku darrayaa in Ciidamada Dowladda Soomaaliya ee fariisinkoodu yahay deegaannka Kala-beyr dhameystireen qorshe ay ku doonayaan in ay kula wareegaan magaalada Beledweyne oo ay hadda gacanta ku hayaan Xoogagga Xarrakada Al-shabaab.

Saraakiil isugu jirta kuwa maamulkii hore ee goballka iyo mas'uuliyiin ka tirsan Dowladda Soomaaliya ayaa hadda ku sugan deegaannka Kala-beyr, waxaana qaarkood oo warbaahinta la hadllay ay sheegeen in saacadaha soo socda ay ku wajahan yihiin magaalada Beledweyne ee xarunta u ah goballka Hiiraan.

Laakiin Xoogagga Xarrakada Al-shabaab ayaa dhinacooda wada dhaq dhaqaaq ay doonayaa in ay isaga difaacaan weerar kasta oo kaga yimaada dhinaca Ciidamada Dowladda Soomaaliya, taasoo muujineysa suurgalnimada in uu dhaco dagaal culus oo dhaxmara labada dhinac.

Dadka rayid ah ee ku dhaqan magaalada Beledweyne ayaa wadnaha farta uga haya in uu saameyn ku yeesha hadiiba uu dhaco dagaal dhaxmara labada dhinac ee hadda isku xeyd xeydanaya.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya