4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Sept 18, 2010
Kulankii baarlmaanka Soomaaliya ay maanta ku horimaan lahayd xukuumadda oo baaqday

Sabti, September 18, 2010 (HOL) − Waxaa baaqday kulan maanta uu baarlamaanka Soomaaliya yeelan lahaa, kaasoo lagu waday inay xukuumaddu ku hortimaaddo si loola xisaatamo, waxaana baaqashadan lagu sheegay arrimo farsamo.

"Kulanka maanta wuu baaqday, waxaana lagu wadaa inuu qabsoomo labada casho ee soo socota, waxaana baaqashada kulanka nasoo gaarsiiyay guddoonka sare ee baarlamaanka," ayuu yiri xildhibaan Cali Zeko oo ka tirsan baarlamaanka.

Mudanahan ayaa sheegay in maanta la filyay in Ra'iisul wasaaruhu uu kasoo qaybgalo kulanka, balse waxaa la filayaa inuu yimaaddo maalmaha soo socda, iyadoo baaqashadan ay imaanayso xilli uu dalka ka maqan yahay Sheekh Shariif.

Wasiiradda dhallinyarada iyo isboortiga Qadiijo Maxamed Diiriye, ayaa sheegay in lala xisaatami doono xukuumadda ay ka tirsan tahay, iyadoo ku eedeysay inay ku fashilantay howlihii loo idmaday, gaar ahaan dhinaca soo celinta ammaanka.

"Xukuumaddu, haddii ay codka kalsoonida hesho waxay shaqeynaysaa, balse haddii ay waydo waxaa lasoo magacaabayaan ra'iisul wasaare, haddii xukuumaddu ay diido inay baarlamaanka hortimaaddana madaxweynaha ayaa u madaxbanaanaan doona inuu soo magacaabo ra'iisul wasaare cusub," ayay tiri Qadiijo Diiriye.

Warar aanay HOL xaqiijin ayaa sheegaya in kulanka uu baajiyay guddoomiyaha baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan, oo la sheegay inuu isku dayayo inuu xal ka gaaro khilaafka u dhexeeya madaxweynaha iyo ra'iisul wasaaraha.

Xildhibaanno iyo wasiirro ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya oo taageersan ra'iisul wasaare Cumar C/rashiid ayaa ku tilmaamay go'aanka baarlamaanka mid sharci-darro ah, iyagoo sheegay in xukuumadda ay tahay in lala xisaabtamo, balse loo maro dariiqda saxda ah.

Mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya ayaa Khamiistii lasoo dhaafay u codeeyay in xukuumaddu ay kalsooni weydiisato baarlamaanka, waxaana 296-mudane oo ka tirsan 300 oo kulanka goobjoog ka ahaa ay u codeeyeen inay xukuumaddu hortimaaddo baarlamaanka.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya