4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Sept 18, 2010
Madaxweynaha Soomaaliya oo kulan kula qaatay magaalada Kampala dhiggiisa dalka Uganda

Sabti, September 18, 2010 (HOL) − Madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa gallinkii dambe ee Jimcaha kula kulmay magaalada Kampala ee xarunta dalka Uganda, madaxweynaha dalkaas Yoweri Museveni.

Labada Madaxweyne ayaa waxay iska xog-waraysteen xaaladda Soomaaliya, midda gobolka iyo guud ahaan sidii loosoo celin lahaa qaranimada Soomaaliya iyo kaalinta ay ku yeelan karto Uganda.

Sheekh Shariif, ayaa sidoo kale waxay kulan yeesheen wasiirka gaashaandhigga, taliyaha ciidammada iyo guddoomiyaha baarlamaanka dalka Uganda, waxaana uu la hadlya madaxweyne Shariif dad gaaraya illaa 500-boqol oo ka tirsan isugu jiray Soomaali iyo dad u dhashay dalka Uganda.

Madaxweynaha waxaa safarkiisa ku weheliyey, saraakiil sare oo ka tisan ciidammada qalabka-sida oo ay ka mid yihiin: Axmed Jimcaale Geeddi, Faarax Axmed Cumar (Faarax Qare) iyo Axmed Cumar Jees.

"Madaxweynayaashu si xeel-dheer ayay uga wadahadleen xiriirka labada dal, xaaladda Soomaaliya, midda geeska Afrika iyo dadaallada caalamiga ah ee Soomaaliya gacanta lagu siinayo, iyada oo dhammaan arrimihii laga wadahadlay si weyn la isula af-gartay," ayuu yiri agaasimaha sharci-dhowrka madaxtooyada Soomaaliya Mursal M. Saney oo wafdiga ka mid ah.

Safarka madaxweyne Sheekh Shariif ayaan la ogeyn inta casho ee uu qaadan doono, waxaase wararku ay sheegayaan in Madaxweynaha dalkaas uu kala hadlay sidii ay olole ugu geli lahaayeen in la kordhiyo ciidammada AMISOM marka uu furmo shirka Qarammada Midoobay.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya