4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Sept 18, 2010
Dowladda Soomaaliya Soomaaliya oo walaac ka muujiyay xaaladda ammaan ee uu dalku ku sugan yahay

Sabti, September 18, 2010 (HOL) − Dowladda KMG ah ee Soomaaliya ayaa walaac ka muujisay xaaladda dalka uu ku sugan yahay, gaar ahaan dhinaca ammaanka, waxayna sarkaal u hadlay uu sheegay in khatarta ka jirta Soomaaliya ay ku baahi karto caalamka.

"Xaaladda ammaanka ee Soomaaliya waa mid khatar ah, waxaana kooxaha dagaalka kula jira dowladda oo gacan ka helaya Al-Qaacida ay dagaallada ku baahin karaan dhammaan dalalka Afrika iyo kuwa caalamka," ayuu yiri taliyaha nabad-sugidda Soomaaliya Maxamed Sheekh Xasan oo wareysi siiyay BBC-da.

Taliyaha ayaa sheegay in khatarta ay ka dhawaajiyeen waaxda sirdoonka ee Britain (MI5) ay tahay mid ay horay uga digeen, wuxuuna xusay in dalka Soomaaliya ay ku sugan yihiin dagaalyahanno shisheeye ah oo qorsheynaya inay qalqal ka buuraan bariga Afrika.

"Dhibaatada ka taagan Soomaaliya waa mid ka weyn sidii la filyay, waxaana intii ay xukuumaddu la wareegtay maamulka dalka, waxaa caddaatay in khatarta jirta ay tahay mid caalami ah," ayuu yiri Maxamed Sheekh.

Qaraxyadii ka dhacay magaalada Kampala ee dalka Uganda oo lagu dilay dad ka badan 75-qof ayuu sheegay inay yihiin kuwo caddeyn u ah in kooxaha ka howlgala Soomaaliya ay xiriir adag la leeyihiin ururweynaha Al-Qaacida.

Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin ayuu ku eedeeyay inay dalka soo geliyeen kooxo shisheeye ah oo doonaya inay weerarro ku qaadaan dalalka caalamka qaarkood, isagoo sheegay in dowladdu ay dhowr jeer ka codsatay caalamka in gacan laga siiyo sidii ay uga hortagi lahayd khatartaas.

Walaaca xukuumadda Soomaaliya ay qabto ayaa waxaa la mid ah walaac ay Britain ka qabto in weerarro dalkeeda ay ka geystaan dhallinyaro ka badan 100-ruux oo ay sheegtay inay tababarro ku qaadanayaan hadda gudaha dalka Soomaaliya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya