4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 21, 2010
Safaaradda Maraykanka ee dalka Kenya oo marti-qaad u fidisay saddexda Xisbi Siyaasadeed ee Somaliland

Axad, 21 March 2010 (HOL)- Safaaradda Maraykanka ee dalka Kenya, ayaa la sheegay inay martiqaad u fidisay saddexda xisbi siyaasadeed ee Somaliland.

Inkastoo aanay wax war ah rasmi ahaan labada dhinac ka soos aarin, haddana siday ilo xogogaal ahi xaqiijiyeen, safaaradda Maraykanka ee Nairobi waxay min laba xubnood ka casuuntay madaxda saddexda xisbi ee KULMIYE, UCID iyo UDUB.

Warku wuxuu intaa ku daray, in xidhiidh madaxda xisbiyada qaarkood safaaraddu la soo samaysay, isla markaana ku casuuntay safaaradda Maraykanku ku leeyahay dalka Jabuuti. “Martiqaad bay bixiyeen, waxaana la tegayaa safaaradda Maraykanka ee Jabuuti,” sidaa waxa yidhi masuul sare oo ka tirsan mid ka mid ah xisbiyada Mucaaradka ah ee Somaliland. Lama sheegin xubnaha xisbiyadu u qorsheeyeen ka qaybgalka martiqaadkaas, lamana sheegin waqtiga weftigu ka bixi doonaan Hargeysa.

Wararka qaarkood waxay sheegeen in xubnaha xisbiyadu u qorsheeyaan tegitaanka safaaradda Maraykanka ee Jabuuti ay Isniinta ka bixi donaan Hargeysa. “Weli xog badan kamaanu helin arrintan oo xidhiidh uun bay Safaaraddu nala soo samaysay, laakiin waanu sugaynaa in aanu xog ka helo,” ayuu yidhi masuulkaa Mucaaradka ka tirsani. “Xisbi ahaan, weli wax arrintaa la xidhiidha ma hayno oo maqal uun bay nagu tahay,” sidaana waxa yidhi masuul kale oo axsaabta Mucaaradka ka tirsan.

Ma cadda ujeedada martiqaadkaas warkiisu soo duulay, hase yeeshee wararka qaarkood waxay tibaaxeen inuu la xidhiidho arrimaha doorashada raagtay ee Madaxtooyada Somaliland iyo in dhinacyada ay khusaysaa ka shaqeeyaan hirgelinteeda iyo sidoo kale in Dawladda Maraykanku dhinacyadan kala hadasho aragtida ay ka qabaan baaqasho dambe oo ku timaadda Doorashada iyo mawqifka ay ka taagan yihiin.

Dawladda Maraykanku waxay hore dalkeeda ugu marti-qaaday oo hadda socdaal ku jooga Wefti ka socda Somaliland oo ka kooban Afar Wasiir iyo labada Guddoomiye-ku-xigeen ee Guurtida iyo Wakiilada Somaliland.

Barkhad M. Kaariye  Hiiraan Online
[email protected]
Hargeisa, Somaliland