4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 21, 2010
Dowladda Soomaaliya oo sheegtay inay baarayso ganacsiga kasoo daga Dekedda ayna la wareegayso gacan ku haynta Magaalada Muqdisho

Axad, Mar 21, 2010 (HOL) - Shirar jaraa'id oo ay ku kala qabteen Muqdisho wasiirka Lacagta C/raxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yariisow), wasiirka Kaluumeysiga iyo Kheyraadka Badda Prof. C/raxmaan Xaaji Aadan (Ibbi) iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha Sheekh C/qaadir Cali Cumar ayay kaga hadleen arrimo kala duwan.

Wasiirrada Lacagta iyo Kalluumeysiga oo si wadajir ah u qabtay shir jaraa'id ayaa waxay sheegeen in baaritaanno dheeraad ah lagu sameyn doono alaabooyinka kasoo daga dekedda Muqdisho, iyagoo xusay in taas looga dan leeyahay dhowridda ammaanka.

"Alaabooyinka ka imaanaya dalka dibadiisa waxaa lagu sameyn doonaa baaritaanno dheeraad ah si loo adkeeyo ammaanka, waxaana taas looga gol leeyahay sidii lagu kordhin lahaa dhaqaalaha dowaldda kasoo gala dekedda" ayuu yiri Prof. Ibbi.

Wasiirka Kalluumeysiga ahna ku simaha Ra'iisul wasaaraha wuxuu sheegay inaysan jirin wax khilaaf ah oo u dhexeeya Dowladda iyo Maamulka Dekedda Muqdisho, ayna wadaan dadaallo lagu xoojinayo howlaha dekedda.

Eng. Yariisow oo isaguna hadlay ayaa sheegay in la diyaariyay shaqaalihii baaritaan ku sameyn lahaa alaabooyinka kasoo daga dekedda Muqdisho, loona fasixi lahaa badeecooyinka ku xaniban gudaha dekedda.

Ganacsato Reer Muqdisho ayaa sheegay in muddo hal todobaad ku dhow ay kaga xanniban yihiin dekedda ganacsi fara badan, iyagoo sheegay inaysan ogeyn sabab loo xayiray alaabooyinkooda oo saaran gaadiidkii geyn lahaa suuqayada Muqdisho.

Dhanka kale, Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya Sheekh C/qaadir Cali Cumar ayaa isaguna sheegay in dowladdu ay u diyaargarowday sidii ay dib ugu qabsan lahayd Magaalada Muqdisho oo ay kaga sugan yihiin qaybo yar.

Sheekh C/qaadir wuxuu ka dalbaday shacabka Soomaaliyeed inay gacan ku siiyaan dowladda sidii ay ula wareegi lahayd Magaalada Muqdisho, isagoo sheegay in talaabadan ay u qaadayaan sidii ay dadka dhibka uga dul qaadi lahaayeen.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya