4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 21, 2010
Baabuur ku rogmaday duleedka Degmada Buurhakaba ee Gobolka Bay oo sababay dhimasho iyo dhaawac

Axad, Mar 21, 2010 (HOL) - Ugu yaraan 4-qof ayaa ku dhintay 8-qof oo kalena waxay ku dhaawacmeen shil gaari oo maanta ka dhacay duleedka degmada Buurhakaba ee Gobolka Bay.

Shilkan ayaa yimid markii uu gaarigan oo ka tagay Magaalada Muqdisho kuna sii jeeday degmada Baydhabo ee Gobolka Bay uu ka baxay jidka sida uu sheegay Guddoomiyaha degmada Buurhakaba ee Ururka Xisbul Islaam Sheekh Maxamed Haajir Axmed.

Dhaawacyada ka dhashay shilka gaari oo isugu jiray kuwo culus iyo kuwo fudud ayaa waxaa goobta ka qaaday ciidamo ka tirsan Ururka Xisbul Islaam oo uu hoggaaminayay guddoomiyaha degmada.

"Markaan fiirinnay sida uu shilku u dhacay waxaa noo caddaatay inuu gaarigu ka baxay jidka, darawalkii gaariga waday iyo rakaabka badbaaday qaarkoodna way sheegeen" ayuu yiri Guddoomiyaha degmada Buurhakaba ee Xisbul Islaam.

Sidoo kale, wuxuu sheegay in gaarigan uu xalay oo dhan ahaa socday, uuna shilkan sabab u noqon karo darawalka oo hurdooday iyo jidka oo aad u jajabsan awgiis, iyadoo dhaawacyadii darnaa loo qaaday Baydhabo, halka kuwii kalena lagu daweynayo Isbitaalka Buurhakaba.

Dadka dhintay ayaa waxay dhamaantood ahaayeen rag, halka dhaawacyada ay isugu jireen rag iyo dumar, iyadoo shilkan uu noqonayo kii labaad oo muddo todobaadyo gudahood ah ka dhaca agagaarka degmadaas.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya