4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 21, 2010
Maamulka Degmada Afgooye ee Ururka Xisbul Islaam oo gacanta ku soo dhigay mid ka mid h askartooda oo dil iyo dhaawac geystay

Axad, Mar 21, 2010 (HOL) - Maamulka Degmada Afgooye ee Gobolka Shabellada hoose ayaa gacanta ku dhigay askari ka tirsan ciidamadooda oo qof rayid ah u geystay dil, kaddib markii uu rasaas ku furay gaari u socday degmada Marko.

Askarigan ayaa la sheegay in rasaasta uu ku furay gaariga markii uu si xowli ah ku maray boosteejada laga raaco gaadiidka u socda degmada Marko ee isla gobolkaas, taasoo keentay inuu askarigu ka caroodo kuna furo rasaas.

Mid ka mid ah rakaabkii la socday gaariga ayaa u sheegay saxaafadda in qofka dhintay ay ahayd haweeney gaariga la socotay, taasoo maydkeeda la dhigay Isbitaalka degamda Afgooye, waxaana ay rasaastu dhaawac fudud kasoo gaartay ruux kale oo rakaabka ka mid ahaa.

Saraakiisha Maamulka Degmada Afgooye ee Ururka Xisbul Islaam ayaa sheegay inay sharciga horgeyn doonaan askariga oo isla markii uu falka geystay ay qabteen ciidamo kale oo ay isla shaqeynayeen.

Askarigan ayaa noqonaya kii saddexaad oo si bareer ah ugu dila degmada Afgooye dad rayid ah, iyadoo mid ka mid ah lagu qisaasay gudaha degmadaas, kaddib markii la horkeenay Maxkamadda maamulkaas.

Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellada hoose ayaa waxaa gacanta ku haya Ururka Xisbul Islaam, iyadoo maamulka degmadaas ay sheegeen inay ka hortagayaan inay falal noocan oo kale ah ay dib dambe uga dhacaan degmada.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya