4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 21, 2010
Xukuumadda Mareykanka oo sheegtay inuusan jirin xiriir u dhexeeya Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin iyo burcadbdeedda Soomaaliya

Axad, Mar 21, 2010 (HOL) - Dowladda Mareykanka ayaa shaaca ka qaadday inaysan jirin wax xiriir ah o u dhexeeya Xarrakatul Shaababul Mujaahidiin iyo Burcad-badeedda Soomaaliya.

Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka dhinacyada amaanka iyo siyaasadda Mr. Thomas Norman ayaa hadalkan ku sheegay shir jaraa'id oo uu ugu qabtay Washington saxaafadda, wuxuuna sheegay in labada dhinac ay kala aragti duwan yihiin.

"Burcadbadeeddu waxay doonayaan inay lacago ka helaan Maraakiibta ay afduubka ku qabsadaan, howshoodana waa mid ganacsi, balse Xarrakatul Shabaab waa ka duwan tahay sidaas" ayuu yiri Thomas oo intaas ku daray in dalkooda uusan rumeysnayn inay xiriir leeyihiin.

Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin ayuu sheegay in fikirkooda uu si weyn uga duwan yahay kan burcadbadeeda, wuxuuna ku tilmaamay inay tahay koox doonaysa inay awoodda dalka oo dhan la wareegto.

"Ma jiraan wax xiriirro ah oo la taaban karo oo u dhexeeya Burcadbadeedda iyo Xarrakatul Shabaab, waxaan dhici karta in dekedaha ay gacanta ku hayaan ay mararka qaarkood u ogaalaadaan inay burcaddu afduubyo ka geystaan" ayuu yiri Thomas.

Sarkaalkan oo ka jawaabayay su'aal ahayd inta uu le'eg yahay xiriirka ka dhexeeya Xarrakatul Shabaab iyo Al-Qaacidada Bariga Dhexe ayaa sheegay inaysan jirin wax xiriir adag ah oo u dhexeeya, marka laga reebo fikradaha oo ay isdhaafsadaan.

Ugu dambeyn mas'uulkan wuxuu sheegay in xalka Soomaaliya uu ku jiro in burcadbadeedda laguna dagaalamo gudaha dalka, si looga ciribtiro inay kasoo duulaan dhulka.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya