4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 21, 2010
Heshiis xabbadda lagu joojinayo oo la dhexdhigay Maleeshiyo beeleedyadii ku dagaallamay deegaanno ka tirsan Gobolka Mudug

Axad, Mar 21, 2010 (HOL) - Waxgarad kasoo kala jeeda beelihii dhawaanahan ku dagaalamay deegaannada Camaara iyo Bacaadweyne ee Gobolka Mudug ayaa lagu guuleystay in la kala qaado, lana dhexdhigo xabbadjoojin.

Mid ka mid ah waxgradka ku howlan dhedhexaadinta labadan beelood oo lagu magacaabo Xuseen Geeddi Jimcaale ayaa u sheegay saxaafadda isagoo ku sugan deegaanka Bacaadweyne oo uu kasoo jeedo inay ku guuleysteen inay kala qaadaan ciidamadii dagaallamay.

"Waxaan ku guulaysanay tan iyo markii aan tagnay deegaannada ay dagaalladu ka dheceen inaan xabbadjoojin dhexdhigno kalana qaadno ciidamadii ay dagaalladu u dhexeeyeen" ayuu yiri Xuseen Geeddi.

Mas'uulkan ayaa sheegay in howshan ay iyagu isku xilsaareen, balse aysan jirin urur iyo dowlad u wakiilatay, wuxuuna xusay inay dadaal ugu jiraan inay labada ciidan isku keenaan si ay isku cafiyaan, beelahana ay ugu wadanoolaadaan deegaanka.

"Howshan innaga ayaa go'aankeeda iska leh, ma jirto cid nagu siinaysa lacag iyo cid noo wakiilatay, waxaan doonaynaa inaan nabadeyno deegaannada aan kasoo jeedno, oo ay dhibaatadu ka taagnayd" ayuu mar kale yiri Xuseen Geeddi Jimcaale.

Waxgaradkan oo isugu jira labada beelood ayaa waxay gaareen deegaannadaas lagu dagaalamay todobaadkii hore, iyadoo intooda badan ay ka dhoofeen Muqdisho, waxaana ay ku howlan yihiin sidii ay colaadda u damin lahaayeen.

Colaaddan oo ka dhalatay muran dhinaca dhulka iyo ceelal biyoodyada ah oo u dhexeeya labadan beelood ayaa waxaa ku dhintay dad fara badan iyadoo kuwo kalena ay ku dhaawacmeen, kuwaasoo lagu daweynayo Isbitaallo kala duwan.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya