4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 21, 2010
Wasaarada Cusub ee Caafimaadka Puntland oo Ballanqaad u samaysay Bulshada ku nool Gobolka

Axad, Mar 21, 2010 (HOL)-Wasiirka Cusub ee Caafimaadka DGPL oo shir ku qabtay Magaalada Garowe ayaa sheegay in Wasaaradiisa ay wax badan kaga duwanaan doonto Wasaaradaha kale ee ka jira Gobolka.

 

Waxaa Dr Cali Maxamed Wasiirka Caafimaadka ee Puntland uu tilmaamay in uu adkayn doono la shaqaynta hayadaha Dawliga ah ee ka jira Gobolada Puntland,Waxaana uu amaan balaaran u jeediyay Wasiirkii isaga ka horeeyay ee Dr Bashiir Cali Biixi.

 

Aniga ogaalkeey shacabka Puntland ma haystaan daryeel Caafimaad oo dhamaystiran Sidaa darteed waxqabad ayaan la imaan doonaa Meesha,Waxaana Bulshada laga taageerayaa daryeel dhamaystiran"ayuu wasiirka yiri isaga oo ku sugan magaalada Garowe.

 

Sidoo kale Dr Cali Maxamad Wasiirka Caafimaadka ayaa hayadaha qaar ku eedeeyay in ay ka gaabiyeen dawrkii ay ku lahaayeen Wax uqabadka Bulshada Puntland,Waxaana uu codsaday in lagala shaqeeyo xilka loo dhiibay.

 

Shalay ayey ahayd Markii Wasiirkan Cusub xilka lagu wareejiyay,Waxaana lagu soo magacaabay digreeto ka soo baxday Xafiiska Madaxtooyada Caasimada Puntland ee Garowe.

 

Ugu danbayntii Wasiirkan ayaa noqonayaa kii ugu danbeeyay ee la soo magacaabay ,tan intii ay bilaabatay isku shaandhaynta Madaxwaynaha ,Waxaana uu xusay in waxqabad uu la imaan doono.

 

Faisel Maxamed Hassan(Boston),Hiiraan Online

[email protected]

Boosaaso,Soomaaliya