4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jun 30, 2010
Guddida ilaalinta Anshaxa Doorashada iyo Goob-joogayaasha Caalamiga ah oo ka hadlay Doorashadii Somaliland ka dhacday

Arbaco, 30 June 2010 (HOL)- Guddiga ilaalinta anshaxa iyo habsami-u-socodka doorashada Somaliland, ayaa faahfaahin ka bixiyay geedi-socodkii doorashadii Sabtidii qabsoonay iyo qaabkii ay uga hawlgaleen.

Guddida oo maanta Shir-jara’id ku qabtay Hargeysa, ayaa hambalyo u diray Komishanka Doorashada iyo guud ahaan shacabka.

Guddida oo halkaa ka akhriyay Warsaxaafadeed uu ku saxeexnaa guddoomiyahA Guddidaas Mr. Axmed Maxamed Cadaad, ayaa wuxuu u dhignaa sidan;

“Guddiga Ilaalinta Anshaxa iyo Habsami-u-socodka Doorashooyinka Madaxwaynaha iyagoo fulinaya hawlihii loo igmaday, waxay si aad u dhaw ula socdeen ama si qoto dheer ula socdeen banaanbaxyadii ololaha doorashada iyagoo ugu baaqaya  dhaman cida ku xadgudubta  heshiiska anshaxa ee ay saxeedeen sedexda xisbi qaran (Code of Conduct), si ay u hirgaliyaan heshiiska isla markaana ugu cadeeyeen dadwaynaha guud ahaan cidii ku kacday dhaqdhaq sharci-daro ah ee ay ku kaceen axsaabtii ololaynaysay, sidoo kale waxay ilaaliyeen habkii doorashooyinku u socdeen ee ka dhacay caasimada iyo gobalada dalka oo ay la joogeen wakiladayadu si xilkas ah na  u guteen hawshoodii.

Maanta guddigu waxay qiimaysay xaaladii doorashada ka dambaysay, waxayna go’amisay qodabadan soo socda;-

Guddiga Ilaalinta Anshaxa iyo Habsami-u-Socodka Doorashooyinka Qaranka waxay:

-U hambalyaynaysaa dhamaan dadwaynaha reer Somaliland sidii nabadgalyada iyo kala dambayanta ahayd ee sida xoogana uga qayb qateen doorashada iyagoo iska dhaga mariyay khatartii ay ku hayeen xagjirka ka soo horjeed dimuqradiyada.

-U mahadnaqaysaa dhamaan cidkastoo si firfircoon uga gacan gaystay in ay guulaysato doorashadu gaar ahaan hawlwadeenadii guddiga doorashooyinka qaranka, golaha guurtida Somaliland, goobjoogayasha caalamiga, goobjoogayasha wadaniga ah iyo guddiga dhexdhexadinta khilafaadka.

-Si diirran ugu bandhigayaan mahadnaqooda dhamaan culaamuddiinka Somaliland kuwaasoo ku dhiriigalinayey dadwaynaha reer Somaliland in ay codeeyaa oo aan dhag jalaq loo siin hadalada aan saxa ahayn isla markana ku abuuraysa khalkhal iyo  doodo aan sax ahayn oo khalkhal galinaya doorashada oo inagaga timid dibada iyadoo culimadu si firfircoon u caawinayay codbixiyayashii  ay ku adkaatay in ay si habsami ah u raacan nidamkii codbixinta malintii codbixinta.

-Umahad cilinayaan ciidamada amniga ee sida hawlokarnimada leh u sugay amniga ee ilaalinayay kala dambaynta intii ay socotay doorashadu.

-Marlabaad ku celinaynaa kalsoonida buuxda ee aan ku qabno guddiga dorashooyinka qaranka ee  ku guulaystay habaynta doorasho sax ah oo lagu kalsoonan karo imikana u soo saaraya natiijadii oo ku salaysan qaab ku dhisan aqoon iyo dhexdhexadnimo.

-Soo dhawaynaysaa warbixintii ay soo saareen gobjoogayaashii calimiga iyo kuwa maxaliga ah kuwaasoo qabtay shaqo lagu mahadinayo kadib markii ay caddeeyeen  in ay doorashadu ahayd  mid ku dhacday si xor ah oo xalaal ah.

-Cambaaraynaysaa oo dhaleecaynaysaa cidkastoo wareejinaysa hadalada kutidhi-ku-teenka ah iyo mala-awaalka natiijooyinka doorashada sida ay uga digtay guddiga doorashada qaranku, gaar ahaan waxaanu kula talinaynaa bahda saxaafada inay ilaaliso oo raacdo talooyinka guddiga doorashooyinka qaranka oo aan laga hor dhicin ku dhawaaqidda natiijada ee guddiga doorashooyinka qaranka.

-Ka codsanaynaa guud ahaan dadweynaha  reer Somaliland in ay si dulqaad ku jiro u sugaan natiijooyinka doorashooyinka ee ka soo bixi doona guddiga doorashada qaranka. waxan kaloo ka codsanaynaa dadwaynaha in aanay wax xaflad ah ku qaban wadooyinka si looga fogaado anshax xumo iyo  isku dhac iman kara.

-Ka rajaynaynaa xisbiyada qaranka in ay ku xakameeyan taagerayashooda wax kastoo awoododa ah si ay uga hor tagaan waxkastoo kicinkara cadhada axsaabta ay kala siyaasada yihiin ama ay tartameen.

-Si qalbi furan u soo dhawaynaa in ay si rasmi ah u caddeeyaan sedexda musharax ee madaxtooyada in ay aqbalaan natiijooyinka doorashada si kastoo ay ahaataba  taaso muujin doonta waddanimadooda.”

Goob-joogayaasha Caalamiga ah ee Beesha Caalamka uga qayb galay Doorashada Madaxtooyada, ayaa iyagu hore u sheegay in Doorashada Somaliland ay u qabsoontay si xor iyo xalaal ah.

Goob-joogayaasha oo shir-jaraa’id iyana ku qabtay Hargeysa, ayaa ammaanay sida ay hawsha Doorashada u agaasimeen, una qabteen Guddida Doorashadu, waxaanay murashaxiinta ugu baaqeen inay natiijada aqbalaan.
 
Barkhad M. Kaariye  Hiiraan Online
[email protected]
Hargeisa, Somaliland