4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jun 30, 2010
Duqeymo geystay khasaarooyin isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho

Arbaco, June 30, 2010 (HOL) − Ugu yaraan 2-qof ayaa ku dhintay madaafiic culus oo maanta ku dhacay gudaha iyo hareeraha suuqa weyn ee Bakaaraha, waxaana ku dhaawacmay duqeymahaas 7-qof oo kale.

Madfac ku dhacay gudaha suuqa Bakaaraha ayaa sababay dhimashada labada qof oo rag ah, kuwaasoo ka mid ahaa dadkii suuqa ku sugnaa, waxaana sidoo kale ay sababeen madaafiic ku dhacay gudaha iyo daafaha Bakaaraha dhaawacyada 7-qof.

"Dhaawacyada 7-qof ayaan ka qaadnay gudaha iyo hareeraha Bakaaraha, waxaana ay isugu jireen qaybaha bulshada" ayuu yiri Madaxa Gaadiidka Dhaawacyada qaada ee Magaalada Muqdisho Cali Muuse Sheekh oo saxaafadda la hadlay.

Duqeymahan ayaa saameyn ku yeeshay howlaha suuqa Bakaaraha, waxayna daba socdeen dagaallo shalay gallinkii dambe ku dhexmaray Ahlusunna Waljamaaca iyo Xarrakatul Shabaab Agagaarka Suuqa Bakaaraha, halkaasoo ay isku horfadhiyaan.

Dagaalkii shalay ayaa waxaa ku dhintay 5-qof oo rayid ah, iyadoo ay dhaawacyo kasoo gaareen 20-qof oo kale, kuwaasoo ay qaarkood madaafiic kula dhacday gudaha Suuqa Bakaaraha iyo degmooyin ka tirsan Muqdisho.

Magaalada Muqdisho ayaa todobaadkan waxaa ka dhacay dagaallo iyo duqeymo isdaba-joog ah, kuwaasoo ay ku dhinteen dad badan oo shacab ah, kuwo kalena ay ku dhaawacmeen, waxaana sidoo kale ay khasaare kasoo gaartay dhinacyadii uu u dhexeeyay hardanka siyaasadeed.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya