4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jun 30, 2010
Dowladda Soomaaliya oo sheegtay inay ka go'an tahay soo celin ammaanka iyo daganaashaha dalka Soomaaliya

Arbaco, June 30, 2010 (HOL) − Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay dadaal weyn ugu jirto sidii ay kusoo celin lahayd amaanka iyo kala dambeynta dalka Soomaaliya, kaddib ku dhawaad 20-sano oo degenaasho la'aan ay ka taagnayd.

Afhayeenka Xukuumadda Soomaaliya C/qaadir Maxamuud Walaayo oo wareysi gaar ah siiyay VOA-da laanteeda Afka Ingiriiska ayaa sheegay in Dowladdu ay dagaal kula jirto kooxaha, kuwaasoo uu sheegay inay diidan yihiin nabad ka dhatala dalka.

"Mudaddii 20-ka sano ahayd ee dalka ay ka jireen qalalaasaha iyo dagaalada waxaa burburay wax walba oo ay ka mid yihiin ciidamada amaanka iyo Hay'adaha Dowliga ah, dowlada hadda jirta waxay dadaal ay kusoo noolaynta hay'adahaas" ayuu yiri C/qaadir Walaayo.

Sidoo kale Afhayeenku wuxuu sheegay in Madaxda Dowlada Somalia ay muhiimada siinayaan sidii ay amaanka dib ugu soo celin lahaayeen, wuxuuna xusay in Midowga Yurub ay Soomaaliya u tababarayaan ciidankii soo celin lahaa ammaankaas.

Hadalka Walaayo ayaa imaanaya iyadoo Dowladda Soomaaliya ay diyaargarow ugu jirto xuska sannaguuradii 50-aad ee kasoo wareegtay markii ay Soomaaliya ka xorowday gumeystayaashii Reer Yurub iyo iyadoo ay xoogagga Xarrakatul-Shabaab qabsadeen saldhigyo ay horay gacanta ugu haysay Dowladda Soomaaliya.

"Tababarka ay dalalka Midowga Yurub siinayaan ciidamada Soomaaliya wuxuu ka socdaa dalalka Bariga Afrika qaarkood sida Uganda, waxaana Dowladu ay si dhow ula shaqeysaa Midowga Afrika, si loo xoojiyo ammaanka Muqdisho" ayuu yiri Walaayo.

Ururka Xisbul Islaam iyo Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin oo dagaal kula jira Dowladda Soomaaliya ayaa waxay horay u diideen inay wax wadahadallo nabaadeed ah la furaan Dowladda Soomaaliya, si loo joojiyo dagaallada.

Afhayeenka Dowladda oo wax laga weydiiyay eedeymaha ku saabsan in Dowladdu ay caruurta yaryar u isticmaasho askar ahaan ayaa wuxuu sheegay in wararkaas ay yihiin kuwo been abuur ah, ayna Dowladdu aysan caruurta yaryar ka dhigan askar iyadoo ilaalinaysa sharciyada caalamiga ah ee dhowrto Xuquuqda Caruurta.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya