4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jun 30, 2010
Maamulka Xisbul Islaam ee Gobolka Banaadir oo warbaahinta uga digay inay ka qaybqaataan Xuska Maalinta Gobonimada Soomaaliya ee 1-da Luuliyo

Arbaco, June 30, 2010 (HOL) − Maamulka Ururka Xisbul Islaam ee Gobolka Banaadir ayaa maanta ku amray Saxaafadda ka howlgasha Magaalada Muqdisho, gaar ahaan Idaacadaha inaysan sii-dayn karin warar ku saabsan sannadguuradii 50-aad ee ay kasoo wareegtay markii ay Soomaaliya xorowday oo ku beegan 1-da Luuliyo.

"Warbaahinta, gaar ahaan Idaacadaha waxaan uga digaynaa inay ka qaybgalaan xusaska loo sameynayo maalinta xorriyadda ee 1-da Luuliyo, sidoo kalena ma siidayn karaan warar ku saabsan maalintaas iyo khudbooyinka la jeediyo" ayuu yiri Macallin Xaashi Maxamed Faarax oo sheegay inay ciqaabi doonaan ciddii jabisa amarka.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ee Ururka Xisbul Islaam Macallin Xaashi ayaa xusay inaysan diidanayn maalinta ay Xorowday Soomaaliya, balse ay diidan yihiin in maalmaha loo sameeyo magacyo, lagana dhigto maalmaha qaar kuwo la weyneeyo

"Sidoo kale ma ogolin in la xuso maalmaha gaarka loo sameystay sida: Maalinta ADIS-ka, Maalinta Daacuunka, Maalinta Haweenka, Maalinta Caruurta iyo maalmo kale oo fara badan" ayuu yiri Macallin Xaashi oo uga digay warbaahinta inay qayb ka qaataan xusaska loo sameeyo maalmahaas.

Amarkan ayaa noqonaya mid ka mid ah amarrada uu Ururka Xisbul Islaam kusoo rogay warbaahinta ka howlgasha Magaalada Muqdisho iyadoo horay looga digay inay sii daayaan heesho iyo muusig, taasoo ay warbaahinta oo dhan meelmariyeen.

Maalinta berri ah oo ku beegan 1-da Luuliyo oo ay Gobollada Koonfureed ka xoroobeen Gumeysigii Talyaaniga ayna isku biireen labada Gobol ee Waqooyi iyo Koonfur ayaa waxaa lagu wadaa in laga xuso qaybo dalka ka tirsan.

Wasiirka Kalluumeysiga Soomaaliya Prof. C/raxmaan Ibbi ayaa sheegay inay xus weyn u sameyn doonaan 1-da Luuliyo, wuxuuna gaashaanka ku dhuftay hadalka kasoo yeeray Ururka Xisbul Islaam ee ah inaan xuskaas laga qayqaadan karin.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya