4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jun 30, 2010
Marakiibta Ciidamada Holland ee Xeebaha Puntland Oo Deeq Dawo ah Gaarsiiyay Dadka Deegaanka Xaabo ee Gobolka Bari.
Arbaco 30, Jun, 2010 (HOL)-Labo ka mid ah Maraakiibta Ciidamada Holland ee ku sugan xeebaha Puntland ayaa maanta deeq Dawo ah gaarsiiyay dadka ku dhaqan deegaanka Xaabo oo ka tirsan Gobolka Bari.

Waxaa la sheegay in daawadaan ay isugu jidho noocyo badan ,balse ay u badantahay dawooyinka looga hortago Cudurka Malaariyada oo halkaasi ka dilaacay maalmo ka hor.

Duqa degmada Xaabo Soote Yuusuf oo la hadlay warbaahinta Gudaha ee Bosaaso ayaa sheegay in daawadaan ay tahay mid loogu tala galay in looga hortago Cudurka Maaliriyada.

Waxaa kaloo Duqa uu sheegay in ay kulan la qaateen saraakiisha Ciidamada Holland ee ku sugan xeebaha Puntland ,isla markaana la isku afgartay in si isku mid ah looga hortago Burcad badeeda.

Daawadan waxaa naloo keenay xiligii loo baahnaa ,waxyaabo badanna way naga anfici doontaa "ayuu yiri duqa degmada Xaabo,isagoo mahad u celiyay Saraakiishii daawada soo gaarsiiyay.

Deeqdan dawada ah ayaa noqonaysa tii ugu horaysay inta la ogyahay oo ay Ciidamada Nato soo gaarsiiyayaan dadka ku dhaqan degmooyinka xeebaha ah ee Puntland.

Ma jiro Wax hadal ah oo ilaa iyo hada ka soo baxay wasaarada Caafimaadka Puntland ,taasi oo ku aadan Daawadan la siiyay dadka degmada Xaabo,Waxaana jira shaki ay daawadaasi ka muujinayaan qaar ka mid ah aqoonyahanada Gobolka Bari.

Faisel Maxamed Hassan,Hiiraan Online
[email protected]
Bosaso,Somaliya