4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jun 30, 2010
Waxgaradka degmada Matabaan ee Goballka Hiiraan oo cabasho ka muujinaya xalaada nolaleed ee degmada.
 Arbaco  30, Jun, 2010 (HOL)  Odayaal iyo Waxgarad ku dhaqan degamda Matabaan ee Goballka Hiiraan oo la soo xiriiray HOL  ayaa waxaa ay siweyn uga deyriyeen xaalado adag oo food saaray dadka ku dhaqan degmada degmada, kadib markii ay ku soo jabeen Qoysas siyaabo kala duwan uga soo barakacay deegaanadii ay ku noolaayeen.
 
Nabadoon Yuusuf Guure oo ka mid ah Odayasha degmada Matabaan ayaa sheegay in dhibaatada ugu darran ka taagan tahay barakacayaal isugu jirra kuwo ka soo cararay dagaallada ka dhacaya qeybo ka mid ah dalka iyo waliba kuwo xoolihii ay dhaqanayeen ku wayay Abaarro ku dhuftay deegaannadii ay ku noolaayeen,.
 
Waxaa uu intaa ku darray Nabadoonku markii ay waayeen Qoysaskaasi barakacayaasha ah cid ku gar gaarta Xeryihii ay ku jirreen in ay gudaha ugu soo laabteen degmada iyaga oo dul saar ku noqday Qoysas markii horeba nolashu ku adkeyd taasoo keentay ayuu yiri in xaaladu ka sii darto.
 
''Runtii haddii aan laga soo gaarin xaalada ka jirta degmada Matabaan waxaan hubaa in la arki doono dad u dhinta Nolal xumo ayuu yiri Nabadoon Guure oo la hadllayay HoL.
 
Waxaa uu ku eedeeyay hay'addaha Samafalka iyo Maamulka Ahlu Sunna Waljameeca in aysan wax gurmad ah u fidin dadka ku dhibaateysan gudaha degmada, xili sida uu sheegay degmooyinka kale ee uu ka jirro Maamulka Ahlu Sunna howlo gar gaar qeybin ah ka wadaan hay'adda Samafalku.
 
Ugu danbeytii waxaa uu ka codsaday Nabadoon Yuusuf Guure Hay'adaha Samafalka, Maamulka Ahlu Sunna Waljameeca, iyo Jaaliyadaha dibada in gar gaar loo fidiyo dadka ku dhaqan degmada Matabaan, gaar ahaan qoysaska barakacayaasha ah oo ah ayuu yiri kuwo sii adkeeyay daruufihii markii horeba taagnaa.
 
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
Beledweyne, Somalia