4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jun 30, 2010
Guddoomiyaha guud ee Ahlusunna Waljamaca oo sheegay inuu burburay heshiiskii ay kula jireen Dowladda Soomaaliya
 Arbaco, June 30, 2010 (HOL) − Guddoomiyaha guud ee Culumaa'uddiinka Ahlusunna Waljamaaca Macallin Maxamuud Sheekh Xasan Faarax ayaa sheegay inuu burburay gabi ahaan heshiiskii ay horay ula galeen Dowladda Soomaaliya.

Macallin Maxamuud wuxuu sheegay in heshiiskaas ay ula galeen Dowladda si ay u xoojiyaan xiriirka dhinacyada siyaasadda iyo ciidanka ah ee kala dhexeeya, balse lagu sameeyay heshiiskaas faragelin taasna ay keentay inuu burburo.

"Heshiiska waxaa carqalad ku sameeyay siyaasiyiin iyo hoggaamiyeyaal kooxeedyo aan ka tirsanayn Ahlusunna Waljamaaca, waxaaan garowsanay in heshiiskaas uu ka burburay dhinaca Dowladda" ayuu yiri Mas'uulka ugu sarreeya ee Ahlusunna.

Sidoo kale guddoomiyuhu wuxuu sheegay inay diyaar u yihiin inay wadahadallo kale la galaan Dowladda Soomaaliya, balse aysan aqoonsanayn wixii hadda ka dambeeya heshiiskii ay horay ula galeen Dowladda.

Culumaa'uddiinka Ahlusunna Waljamaaca iyo Dowladda Soomaaliya ayaa waxay heshiis ku kala saxiixdeen bishii Maarso ee sannadkan Magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, heshiiskaas oo labada dhinac ay ku gaareen in Ahlusunna ay qayb ka noqoto xukuumadda.

Warar dhawaan soo baxayay ayaa waxay sheegeen in Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya uu wado qorshayaal uu ku dhisayo xukuumad ay qayb ka tahay Ahlusunna, balse Macallin Maxamuud wuxuu sheegay in xubnaha la sheegay in loo magacaabayo Ahlusunna ahaan aysan iyaga ka tirsanayn.

Dowladda Soomaaliya ayaan weli ka jawaabin go'aanka Ahlusunna, waxaana sidoo kale dhawaan sheegay inay heshiiskaas ka baxayaan guddoomiyaha golaha fulinta ee Ahlusuna Waljamaaca Sheekh C/qaadir Sheekh Cumar Aadan oo saxaafadda la hadlay.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya