4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jun 30, 2010
MADOOBE NUUNOW: "Dastuurka Soomaaliya ay yeelanayo nuqul ka mid ah oo qabyo ah ayaan soo bandhigaynaa horraanta bisha soo socda"
 Arbaco, June 30, 2010 (HOL) − Wasiirka Dastuurka iyo Arrimaha Federaalka Dowladda Soomaaliya Madoobe Nuunow Maxamed oo Magaalada Muqdisho ugu warramay saxaafadda qaarkeed ayaa sheegay in dastuurka cusub ee dalka loo qorayo ay soo bandhigo doonaan bisha soo socda.

Wasiirku wuxuu sheegay in qoraalkii ugu horreeya ee qabyada ah ay u soo bandhigayaan shacabka Soomaaliyeed si ay fikradahooda uga dhiibtaan, kaddibna loo dhameystiro qoraalka Dastuurka.

"Bisha soo socda ee Luuliyo waxaan shacabka Soomaaliyeed u soo bandhigaynaa qoraal qabyo ah oo ka tirsan dastuurka cusub ee dalka uu yeelanayo si ay uga dhiibtaan fikradahooda, waayo waa mid codka kalsoonida ay ka dhiiban doonaan shacabka" ayuu yiri Wasiirka Dastuurka iyo Arrimaha Federaalka Soomaaliya.

Dastuurkan cusub oo uu ku sheegay wasiirku inuu yahay mid Federaali ah ayaa waxay guddi madaxbannaan waxay ku qorayaan tan iyo markii uu sannadkan bilowday dalka Jabuuti.

Guddiga qoraalka dastuurka ayaa sheegay inay u doorteen in dastuurka ay ku qoraan dalka Jabuuti inay ka fogaadaan inay faragelin kaga timaado Madaxda Dowladda Soomaaliya iyo dalalka danaha gaarka ah ka leh Soomaaliya.

Wasiirku wuxuu sheegay in guddiga warbixin kasiin doonaan Madaxda Dowladda sida loo qoray dastuurka, sidoo kalena Madaxweyne Sheekh Shariif uu kusoo qaadan doono qoraalka qabyada ah ee dastuurka khudbadda uu u jeedinayo 1-da Luuliyo oo ku beegan 50-sano guuradii kasoo wareegtay Xorriyadda Soomaaliya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya