4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jun 3 , 2010
Ciidamada Ururka Xisbul Islaam oo mar kale la wareegay gacan ku heynta Magaalada Beledweyne.

Khamiis 3, Jun, 2010 (HOL)  Waxaa goor dhaw Magaalada Beledweyne gudaha u soo galay Ciidamo ka tirsan kuwa Ururka Xisbul Islaam oo Sadax maalmood ka hor ay kala wareegeen gacan ku heynta Beledweyne Ciidamo ka tirsan Dowladda Soomaaliya, kadib markii Ciidamadii Dowladda ee fariiskinka ku lahaa Is-gooyska Jante-kuundisho goor dhaw u dhaqaaqeen dhinaca deegaannka Kala-beyr oo 23-km dhinaca W/qooyi kaga beegan Magaalada Beledweyne.

Saldhiga Baliiska Magaalada ayaa waxaa lagu arkayaan Ciidamo ka tirsan kuwa Ururka Xisbul Islaam oo ku hubeysan gadiidka dagaallka waxaana xusid mudan in soo galintaanka Ciidamada Ururka Xisbul islaam ee magaalada Beledweyne wax is badal ah ku keenin dhaq dhaqaaq dadka iyo ganacsiga oo caadigoodii u socda.

Ilaa hadda ma'jirro wax war ah oo ka soo baxay Saraakiisha Ururka Xisbul Islaam oo goor dhaw uun soo gaaray Magaalada Beledweyne waxaana dib ula wareegistan ay ku soo beegmeysaa dhaq dhaaqaaqyo ciidan oo saacadihii aynu soo dhaafnay Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Xisbul Islaam ka wadeen duleedka Beledweyne, lamana garanayo sababta keentay in Ciidamada Dowladdu dib uga gurtaan fariisimihii ay ku lahaayeen Is-gooyska Janten-kuundisho.

Wixii warar ah ee soo kordha kala soco halkan saacadaha ina soo aadan
hadii uu Alle Idmo.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]