4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jun 3 , 2010
Madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo maanta dib ugu laabtay Magaalada Muqdisho

Khamiis, June 03, 2010 (HOL) − Madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa saaka dib ugu laabtay Magaalada Muqdisho kaddib markii ay kasoo qaybgaleen shirkii ay dalka Faransiiska ku yeesheen dalalka Afrika iyo Faransiiska, kaasoo ka dhacay Magaalada Nice 31-kii May illaa 1-dii Juun.

Sheekh Shariif ayaa kulammo kala duwan la yeeshay Madaxdii shirkaas kasoo qaybgalay kuwaasoo uu ka mid ahaa Madaxweynaha Faransiiska Nicolas Sarkozy isagoo ka dalbaday in dowladdiisa gacan laga siiyo sidii ay kusoo celin lahayd Ammaanka dalka.

Intii uusan Madaxweynuhu kasoo dagin garoonka Diyaaradaha ee Muqdisho ayaa waxaa ka bilowday Muqdisho dagaallo xooggan oo u dhexeeyay Xarrakatul Shabaab iyo Ciidamada Dowladda oo kaashanaya kuwa AMISOM, dagaalladaas oo dhaliyay khasaare nafeed oo fara badan.

Jidka isku xira garoonka diyaaradaha iyo Madaxtooyada ayaa ammaankiisa la adkeeyay iyadoo loo diiday inay dadka iyo gaadiidku maraan, waxaana wafdiga Madaxweynaha ka qaaday garoonka gaadiidka ciidamada AMISOM oo geeyay Madaxtooyada.

Dhanka kale, Madaxweyne Sheekh Shariif ayaa ka baaqday Booqasho uu ku tegi lahaa dalka Jarmalka, isagoo la kulmi lahaa Madaxda dalkaas, waxaana dib u dhaca safarkaas sabab u ahaa Iscasilaaddii Madaxweynaha Jarmalka oo casuumaadda u fidiyay Madaxweyaha Sooamaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ka jeediyay shirkii uu kaga qaybgalay dalka France in Soomaaliya ay khatar geli doonto haddii aanu caalamku u soo gurman, isagoo in ammaanka dalka uu yahay muhiimaddooda koowaad.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya