4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jun 3 , 2010
Dagaallo u dhexeeyay Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM oo dhinac kasoo jeeda iyo Xarrakatul Shabaab oo Muqdisho ka dhacay

Khamiis, June 03, 2010 (HOL) − Ugu yaraan 10-qof ayaa ku dhintay 20-qof oo kalena way ku dhaawacmeen dagaallo iyo duqeymo saakay aroortii hore ka bilowday Degmooyin ku yaalla Waqooyiga Magaalada Muqdisho.

Dagaalladan iyo duqeymahan oo u dhexeeyay Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo Ciidamada AMISOM oo dhinac ah iyo Xoogagga Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin ayaa ka dhacay soconaya degmooyinka Shibbis iyo C/casiis.

Goobaha lagu dagaalamay ayaa waxaa dhawaan qabsaday xoogagga Xarrakatu Shabaab, waxaana dagaalka saakay ka dhacay uu qaraxay markii ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowladda Soomaaliya ay weerar ku qaadeen.

Degmooyinka Yaaqshiid iyo Kaaraan ayaa waxaa ku dhacay madaafiic culus kuwaasoo dhaliyay khasaaraha soo gaaray dadka shacabka ah kuwa ugu badan, iyadoo aan la ogeyn khasaaraha dagaalkaas kasoo gaaray labada dhinacyada dagaalku u dhexeeyo.

"Saakay waxaan ka qaadnay degmooyinka ay dagaalladu ka dhaceen iyo kuwo aanu dagaalku ka jirin balse ay madaafiic ku dhacday 16-qof oo dhaawac ah, waxaana geynay intooda badan Isbitaalka Keysaney" ayuu yiri Cali Sheekh oo ah madaxa gaadiidka gurmadka deg-degga ah ee Muqdisho.

Cali Sheekh wuxuu sheegay in dhaawacyada ugu badan ay ka qaadeen degmooyinka Kaaraan iyo Yaaqshiid, isagoo sheegay inay arkeen maydadka 7-qof welina ay howlaha gurmadka ah socdaan.

Afhayeenka Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin Sheekh Cali Maxamuud Raage (Sheekh Cali Dheere) oo dagaalka ka hadlay ayaa sheegay inay guulo ka gaareen ayna u suurogashay inay gubeen mid ka mid ah gaadiidka dagaal ee ciidamada AMISOM.

Saraakiisha AMISOM ayaan ka hadlin in khasaare la gaarsiiyay mid ka mid ah gaadiidkooda dagaalka iyo in kale, waxaase dagaalladan oo ah kuwo culus ay weli ka socdaan degmooyinkii ay ka bilowdeen.

Dhanka kale, shan qof ayaa lagu dilay dagaal shalay gallinkii dambe illaa xalay ku dhexmarayay Muqdisho ciidamo taabacsan Xarrakatul Shabaab iyo Ahlusunna Waljamaaca, iyadoo ay ku dhaawacmeen tiro intaas ka badan.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya