4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jun 3 , 2010
Ololaha Doorashada Madaxtooyada oo Somaliland ka bilaabmay iyo Madaxweyne Rayaale oo khudbad jeediyay (DAAWO SAWIRADA)


Khamiis, 03 June, 2010 (HOL)- Madaxweynaha Somaliland Daahir Rayaale Kaahin, ayaa maanta ka hadlay xaaladda dalka iyo sidoo kale waxyaabaha Xisbigoodu ku rabo in uu mar kale ku hanto talada dalka, ka dib markii maanta Xisbiga UDUB ee uu guddoomiyaha ka yahay bilaabay Ololaha Doorashada ee Madaxtooyada Somaliland.

Guddida Doorashooyinka Somaliland ayaa ku dhawaaqay dhawaan in Ololaha Doorashadu bilaabmayo maanta oo bisha June 3 tahay, taas oo ay bilaabeen Xisbiga UDUB.

Taageerayaasha Xisbiga UDUB ayaa maanta isugu soo baxay Beerta Xorriyadda ee magaalada Hargeysa, halkaas oo uu kula hadlay Madaxweyne Rayaale. Waxaanu ka warbixiyay waxyaabo kala duwan oo ay ka mid tahay Xidhiidhka dibedda ee XUkuumaddiisu la leedahay dalalka shisheeye, arrimaha caafimaadka, biyaha, waxbarashada, Dimuqraadiyadda iyo arrimo kale oo uu sheegay in Xisbigoodu wax ka qabtay.

Waxa kale oo halkaa ka hadlay Madaxweyne –xigeenka Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin oo isna sheegay in Xisbigoodu mar kale diyaar u yahay in uu talada dalka qabto.

Khudbad dheer oo uu Madaxweyne Rayaale halkaa ka jeediyay, ayaa qayb ka mid ahi waxay u dhignayd sidan;


“Mudanayaal iyo Marwooyin,Waxa aan ku faraxsanahay inaan idinkala soo qaybgalo madashan qiimaha badan ee ay isugu soo baxeen kumanyaal ka mid ah taageerayaasha faraha badan ee bahwaynta xisbiga UDUB. 

Ugu horeyn, waxaan Hambalyo iyo Bogaadin u dirayaa guud ahaan Shacbiga Somaliland; xubnaha iyo taageerayaasha Xisbiga UDUB meel kasta oo ay joogaan iyo inta jecel jiritaanka qaranimada iyo nabdoonaanta Somaliland. 

Waxa kale oo aan duco u hibaynayaa Illaahayna u baryayaa inuu Janadiisa ka waraabiyo dhamaan inta hoygii lama huraanka ah inooga horeeysay ee ka soo qayb-qaadatey dib u xorayntii iyo dib u dhiska dalkan Somaliland. Kuwaas oo ay ka mid yihiin:

Hogaamiyayaashii hormoodka ka ahaa yagleelka iyo taabagalinta qarankan sida Marxuum, Cabdiraxman Axmed Cali; Marxuum, Maxamed X. Ibrahim Cigaal; Marxuum, Sh. Ibrahim Sh. Yusuf Madar,

Mujaahidiintii Naftooda u hurey dib-u-xoreyntii dalkan, Dal-jirayaashii ciidamada qaranka ee  difaaciisa  u god galay, Madax-dhaqmeedkii iyo waxgaradkii bulshada, Iyo Inta kale ee badan ee  Inaga baxday oo aynaan halkan ku wada xusi Karin, balse ku xardhanaan doona bogaga taariikhda Somaliland.

Walaalayaal,

Waxaan jecelahay in aan idin xusuusiyo, in markii xisbiga UDUB ku guulaystay hogaaminta dalka uu dejiyay siyaasad cad  iyo qorshe dhamaystiran oo uu ku beegsanayo taabagalinta qaranimada Somaliland. Taas oo ay ugu mudnaayeen:

Hirgalinta Doorashooyinka:


Kadib, Geeridii Madaxweynaheenii hore, Marxuum Maxamed Xaaji Ibrahim Egal iyo Aftidii Dastuurka, waxaanan go’aansaday anigoo Illaahay iyo Shacbiga la kaashanaya in aan hirgaliyo himilada shacbiga ee taabagalinta dimoqraadiyadda iyo doorashooyinka xorta ah wax kasta oo ku kacayso.

Waxa ilaahay fadligiisa noo suurtagashay in aanu dalka ka hirgalino nidaamka doorashooyinka oo aynu qabano doorashadii golayaasha degaanada Diisambar 2002dii, tii madaxtooyada April 2003, tii Golaha Wakiilada Sept. 2005;    iyadoo doorashada madaxtooyada ee aynu maanta u taaganahay noqonayso tii afraad ee dalka ka qabsoonta. 

Waxa dad badani ogsoon yihiin, in geeridii Madaxweyne Cigaal ka dib ay waxgarad badan oo xilligaa ka werwersanaa saamaynta ay doorashadu ku yeelan karto isku duubnida ummadda, karaan-keena dhaqaale, iyo arrimo kale oo la hal maala ay talo ahaan iigu soo jeediyeen in dib loo dhigo doorashada madaxtooyada oo la ii cusboonaysiiyo xilka muddo sanado ah. hasa yeeshee waxaan  go’aansaday in aanan aqbalin soo jeedintaas oo aan hirgeliyo himilada ummadu higsanaysay ee doorashooyinka, Alle Mahadi haka gaadhee sidaas bay ku qabsoontay doorashadii madaxtooyaddu, guushiina ugu soo hoyatey xisbiga UDUB ee ii sharaxay xilkaas, anigana la iigu doortay Madaxweyne Dastuuri ah oo ku yimi doorasho dadweyne oo toos ah.


Dhamaystirka geedi-socodka dimoqraadiyaddu ma ahayn hawl sahlan, waxa aad goob joog ka wada ahaydeen in aan Maxkamadda Dastuurka u gudbiyey dacwad dastuuriya, ka dib markii Labada Gole ay cod aqlabiyadda ah 2/3 ku soo jeediyeen xeer aan suurto gelinayn in Doorashada  Golaha Wakiiladu ku qabsoonto wakhtigii loogu tallo galay, si  loogu cusboonaysiiyo xubnihii golaha fadhiyey waqtigaa. Taas oo aan u arkayay in ay caqabad ku noqonayso himiladii ummadda iyo geedi socodkii dimuqraadiyada, waana ta suurta gal ka dhigtay in ay qabsoonto Doorashadii ay ku yimaadeen Golahan Wakiilada ee maanta fadhiya.

Dhallinyarada iyo Ciyaaraha:

Waxa la dhisay dhamaan Xidhiidhada Ciyaaraha kala duwan oo kala ah:

1. Xidhiidhka Kubada Cagta Somaliland
2. 
2. Xidhiidhka Ciyaaraha Fudud Somaliland

3. Xidhiidhka Kubadaha Gacmaha Somaliland

Kuwaasi oo maanta si buuxda u shaqeeya oo xafiisyadooda iyo sharciyadooda leh.

Xabsiyadda, Maxaabiista iyo Ciidanka Asluubta

Waxa tababaro is daba socday oo aqoontooda lagu dhisay la siisay saraakiisha, saarkiil xigeenka iyo askarta ciidanka Asluubta ee gacanta ku haya maamulka Xabsiyada iyo meelaha kale ee Muhiimka u ah.


Dhamaan waxa laga shaqaysiiyay xabsiyada dalka iyadoo dib u dhis iyo dib u hagaajin lagu sameeyay Xabsiyadda Hargeisa, Berbera, Mandheera, Ceerigaabo iyo Gabilay si loo gaadhsiiyo heerka ugu yar ee Caaalamiga ah (Minimum international stands).

Dhaqan celinta maxaabiista waxa loo diyaariyay qalabki farsamada gacanta ee lagu bari lahaa xirfad farsamo oo lagaga leexiyo Caadaysiga Dunuubta kuwaas oo hadda loo diyaariyay Xabsiyadda Hargeisa, Mandheera. Iyadoo xil la iska saarayo xuquuqda maxaabiista maadaama xorriyadii laga qaaday daryeelkoodana Xukuumada Waajib ka saaran yahay, ayaa la kordhiyay Raashinka Maxaabiista 150%.

Biyaha:

Walaalayaal, Xukuumaddu waxay sanadihii u danbeeyey culayska saartey dejinta siyaasada lagu hagaayo biyaha iyo sidii shacbiga Somaliland ay u heli lahaayeen biyo ku filan oo nadiif ah, waxaana jira mashaariic qabsoontay iyo kuwo kale oo u qorsheysan in la fuliyo wakhtiga soo socda, waxaana ka mid ahaa Mashaariicdii la fuliyey:-

28 Ceel Cusub oo ku baahsan Gobolladda Dalka, 16 Ceel oo la dayactiray, 23 Ceel oo u qorshaysan in la qodo.

Biyaha Caasimadda:

Waxa si wayn wax looga qabtey cabashadii biyaha ee ka jirtey Caasimadda Jamhuuriyadda Somaliland, iyadoo ay hadda yaraatey cabashadaasi,

Waxaana Xarumaha biyo soo saarka ee Caasimadda lagu soo kordhiyey Qalab Biyo soosaar oo cusub, kuwaas oo isugu jira Mishiino, Bamam iyo qalab kale, oo wax ka tari doona baahidii biyood ee ka jirtey Caasimadda.

Waxa dhinaca koonfureed ee caasimadda laga bilaabay biyo qodis oo tiraba saddex ceel la qoday hase yeeshee lagu hungoobay, welina lagama quusan in biyo laga soo saaro koonfurta caasimadda.

Waxa riigani biyo ka soo saaray lix ceel oo dhamaadey. Kuwaas oo 4 ka mid ah loo qoday waraabinta caasimada, labada kalena waraabinta Gobolka Gabiley

Gurmadka Abaaraha iyo Aafooyinka:

Xukuumaddu waxay Gurmad ka gashay Abaaraha baaxadda leh ee soo food saaray dalka Somaliland, iyadoo ugu deeqday taakulo dhan $ 270’000 (Laba Boqol iyo Todobaadan kun oo dollar). 

Xukumaddu waxay Gurmad ka gashey khasaarihii ay keeneen Roobab Dabaylo watey oo ka da’ay meelo ka mid ah dalka Sanadkii 2007 sida, Degmadda Allaybadey, Balli-Cabane, Baki, Boon, Berbera iyo Ceegaag.  waxaana dhamaan deegaanadaas la gaadhsiiyey Raashin, Weel, Baco, Biyo dhaamis Biriijyada iyo Waddooyinka Dalka.

Dawladdu, waxay wax weyn ka qabatay:

Dhismaha biriijyada, Burco, Qoryaale, Biriijka labaad ee Hargeisa oo wali socda oo dhamaantood ay dawladdu bixisay kharashkooda 50%.

Dhismaha Buundooyinka wadada dheer ee isku xidha Boorame illa Caynabo,  Dayactirka joogtada ah ee Biriijyada, Waddooyinka laamiga ah iyo Buundooyinka, Waxa kaloo xusid mudan in Magaalada Hargeysa, kala badh Waddooyinkeedii si fiican loo dayactiray, kuwa cusubna la sameeyay iyadoo dawladda iyo dadweynhuhu iskaashanayaan.

Waxa kaloo Qorshaysan in dib-u-dhis buuxa lagu sameeyo wadooyinka isku xidha dhamaan  gobolada iyo degmooyinka  dalka  iyo caasimadda iyo kuwa isku xidha Somaliland iyo wadamada jaarka.
Madaarada Dalka:

Waxa iyana wax weyn laga qabtay, Madaarka caasimadda, iyadoo la suurtagaliyey in madaarka caasimaddu markii ugu horeeyay uu Habeenkii Shaqeeyo.

Waxa kor loo qaaday amaanka madaarka, iyadoo lagu rakibay qalab casriya oo wax lagu baadho iyo Kamaradaha ilaalada oo habeen iyo maalinba shaqeeya,

Waxa madaarka caasimadda lagu kordhiyey dhisme qolka Marti sharafta (VIP) oo ay ku nastaan wufuuda dibadda inooga timaada.

Waxa dhawaan la bilaabayaa dib u dhiska iyo kordhinta dhabaha diyaaraduhu ka haadaan ee madaarka caasimadda oo lagu dari doono  600 Mittir. Taas oo suurtagalinaysa in diyaaradaha waawayni si sahlan u isticmaali karaan madaarka.

Waxa la dayactiray oo hawlgalay dhamaan gaadiidkii dabdemiska madaarka Hargeysa. Waxa kale oo la soo iibiyey gaadiidka adeega madaarka dhexdiisa ku filan.

Walaalayaal, Ka gayoon mayno haddii aynu damacno inaan mid mid u sheegno wax-qabadka faraha badan ee xukuumaddu dalka iyo dadka u qabatey mudadii ay masuuliyadda qaranka haysay, iyadoo aan helin taageero dhaqaale oo macne leh.

Waxaan aaminsanahay in Xukuumaddu waxqabad intaa ka badan ku talaabsan lahayd haddii aanay jiri la’ayn taakooyinka mucaaradku hordhigayeen talaabo kasta oo dhinaca horumarinta ah oo Xukuumaddu hollato iyo fidno-alooska ay hadba   bulshada dhexdeeda ka oogayeen. Kuwaas oo damintooda ay ku lumaysay wakhti iyo maal lagu bixin lahaa wax dadka & dalka wax tara.

Axsaabta mucaaradku waxay had iyo jeer ummadda ku beer laxawsadaan ereyga “IS BEDEL …. IS BEDEL”. Sidaa awgeed, waxa lagamamaarmaan ah in ummadda Somaliland aan dareensiiyo xaqiiqada dhabta ah ee jirta.

Odayaasha mucaaradka ah ee is-bedelka ku doodaya badankoodii waa Wasiiraddii xilka waayay ee xukuumaddihii kala dambeeyay, haddii ay horumarka ay ugu baaqayaan ummadda u keenayaan maxay ugu samayn waayeen shalay markay kuraasida fadhiyeen?. Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye miyaanu ahayn Wasiirkii Maaliyadda ee xukuumaddii Cigaal ee anigu Madaxweyne Ku Xigeenka ka ahaa ee dhaqaale uu soo kordhiyo iska daayoo ku guuldaraystay inuu dalka miisaaniyad u sameeyo?

Waxa had iyo jeer mucaaradku dhaliilaan wax-qabadka xukuumadda iyagoo tooda ilawsan. Qarankani wuxuu ka kooban yahay saddex waaxood. Marka laga yimaado waaxda Garsoorka, Xukuumadda waxa hogaaminayay Xisbiga UDUB halka Golaha Wakiilada ay ka hogaaminayeen axsaabta mucaaradku.

Hogaanka Golaha Wakiilada oo ah haldoorkii axsaabta mucaaradku iska soo dhex xulay maxay qabteen shantii sanno ee ay xilka hayeen?

Waxaan odhan karnaa iska daa waxay taraane:

Waxay gayaysiiyeen golihii wakiilada ee loo han weynaa markii la dooranayey inuu fadhiid noqdo oo gudan kari waayo waajibaadkiisii sharci dejineed,

Waxay tahli waayeen inay golaha soo hordhigaan si loo ansixiyo in ka badan 50 mashruuc-sharci oo xukuumaddu u gudbisay oo qaarkood ay ka dhaxleen golihii ka horeeyay.

Waxay u xaqsoori kari waayeen 79 xubnood ee ay iyagu hogaanka u yihiin ilaa ay gaadhay heer ay gacanta isula tagaan.

Waxay ka baaqsadeen ku fulinta Dastuurka iyo Xeer-hoosaadka  xildhibaanada golaha  ka maqan muddo sanado ah.

Waxay Arrimaha aan soo sheegnay waxay sawir fiican ka bixinayaan sida uu u ekaan lahaa hogaaminta axsaabta mucaaradku haddii ay xukunka hayn lahaayeen.

Haddaba, hogaamiyayaasha mucaaradka ee maamuli kari waayay  una xaq soori kari waayay gole kooban oo meel wada fadhiya ma hogaamin karaan qaran dhan?

Hogaamiyayaasha mucaaradka ee golaha fadhiid ka dhigay iyagoo loo dhamaystiray adeegyadii iyo dhaqaalihii ay u baahnaayeen ma horumarin karaan qaran dhan?

Waxaan leeyahay ummaddani ma aha mid dhalaan habaabis lagu qaldi karo, way  taqaan nasteexeeda.

Guud ahaan shacbiga Somaliland waxaan kula dardaarmayaa inay si nabadgelyo ah ku codeeyaan Ilaahayna tallo saartaan inuu u dooro ciddii dalkan iyo dadkan u dan ah.

Waxaan ilaahay ka baryayaa in uu dalka ugu sii wado Nabadgelyada iyo Horumarka uu maalinba maalinta ka sii dambeysa ku tallaabsanayo, doorashadana ugu dhameeyo si nabadgelyo ah”
 
Barkhad M. Kaariye  Hiiraan Online
[email protected]
Hargeisa, Somaliland