4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jun 3 , 2010
Ciidamada Dowladda ee dhawaan la wareegay Beledweyne iyo kuwa Xisbul Islaam oo wada Abaabul dagaal.

Khamiis,  3, Jun, 2010 (HOL)  Is-gooyska Jante-kuundisho ee duleedka Beledweyne oo farasiin u ah Ciidamada Dowladda Soomaaliya ee dhawaan gacan ku heynta Magaalada Beledweyne kala wareegay Ururka Xisbul Islaam ayaa waxaa ka socda Abaabul dagaal iyo dhaq dhaqaaqyo Ciidan oo ay wadaan Xoogagga Dowladda Soomaaliya kuwaa oo doonaya in ay ka hor tagaan weerar laga yaabo in uu kaga yimaado kooxaha gacanta ku haya qeybo ka mid ah Goballka Hiiraan.

Mid ka mid ah Saraakiisha Ciidamada Dowladda ayaa sheegay in ay ka warhayaan sida uu hadalka u dhigay Abaabul ay wadaan kooxaha ka soo horjeeda kuwaasoo gurmad ka helaya Magaalada Muqdisho, isaga oo intaa raaciyay in dhinacooda ay diyaar u yihiin in ay ka hortagaan isku day kasta oo lagu doonayo in  mar kale lagula  wareego sida uu sheegay Magaalada Beledweyne.

Dhinaca kale Sarkaal u hadllay Ururka Xisbul Islaam ayaa sheegay in wax yar uun ay u jiraan sida uu hadalka u yiri Is-gooyska Jante-kuundisho, waxaana uu intaa raaciyay in qorshahoodu yahay in ay weerar ku qaadaan Ciidamada Dowladda ee fariiska ku leh Jante-kuundisho waxaana wararku intaa ku darrayaan in Ciidamada Ururka Xisbul Islaam ku soo dhawaadeen fariisimaha Ciidamada Dowladda ee duleedka Beledweyne taasoo macnaheedu noqonayo in mar kasta dagaal la filan karo.'

Dhaq dhaqaaqan ka dhax socda dhinacyada Dowladda iyo Xisbul Islaam ee isku haya gacan ku heynta Beledweyne ayaa waxaa shaki badan ka muujinaya dadkii dhawaan u barakacay daafaha Magaalada waxaana cabsida ugu weyn qaba dadka deegaannka ka dhigta hareeraha Is-gooyska Jante-kuundisho iyo halka lagu magacaabo Ceel-jaale oo dagaal ka dhax dhaca labada dhinac uu siweyn u saameyn doono.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]