4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jun 3 , 2010
Wasiirka Xannaanada Xoolaha Dowladda Soomaaliya oo maanta shir jaraa'id ku qabatay Muqdisho kana warbixiyay waxqabadka Wasaaraddiisa

Khamiis, June 03, 2010 (HOL) − Wasiirka Xannaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa Dowladda Soomaaliya Abuukar Cabdi Cismaan oo maanta shir jaraa'id ku qabtay Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in wasaaraddiisu ay ku guuleysatay in la xaqiijiyo Caafimaadka Xoolaha Soomaaliya.

Wasiirku wuxuu sheegay in Wasaaraddiisa la guddoonsiiyay Shahaado muujinaysa in xoolaha Soomaaliya aysan wax cudur ah qabin, kaddib markii uu ka qaybgalay shir ka dhacay dalka Faransiiska oo ay soo qabanqaabisay Haya'dda Caafimaadka Xoolaha Adduunka.

"Shirka ka dhacay Paris oo ay kasoo qaybgaleen 175-dal oo caalamka ka socday ayaa lagu guddoonsiiyay Soomaaliya Shahaado caddeynaysa in xoolaha Soomaaliya ay caafimaad qabaan" ayuu yiri Wasiirka oo intaas ku daray in laga ciribtiray xoolaha Soomaaliya cudurka halista ah ee Daba-karuubka.

"Hay'adda Caafimaadka Xoolaha ee Adduunka (OIE) waxay ka cafisay Soomaaliya lacago badan oo ay ku lahayd, balse labadii sano ee ugu dambeysay waxaa bixinay lacagta aan kaga mid noqonay Hay'adda, taasoo gaaraysa 30-kun oo EURO inagoo la kaashaday Hay'ado caalami ah" ayuu yiri Abuukar Mardaadi.

Wasiirku wuxuu sheegay in xoolaha laga dhoofay Soomaaliya Xajkii dhawaan ay gaarayeen 2-Milayn oo Neef, taasoo ay Soomaaliya ka heshay lacag dhan 120-Milyan oo Dollar.

"In xoolaha Soomaaliya loo dhoofiyo dalalka Carabta waxaa qayb ka qaatay Madaxweyne Sheekh Shariif iyo Ra'iisul wasaare Cumar C/rashiid oo safarro aan kala go' lahayn ku tahay dalalka Carabta" ayuu yiri Wasiirka Xannaanada Xoolaha.

Sidoo kale Wasiirku wuxuu sheegay in la wado qorshe Maxjar loogu sameynayo Dekedda weyn ee Muqdisho, isagoo sheegay in dalalka Iiraan Suuriya, Masar, Libya, Cumaan iyo Qadar ay lasoo galeen heshiis Hillib qalan loogu dhoofinayo.

"Dalalka Khaliijka iyo kuwa Carbeed ayaan lasoo galnay heshiis loogu dhoofinayo hilib qalan, kaasoo gaaraya 30-40-Tones bishiisa, waxaana dalka kasoo galaysa lacag adag oo gaaraysa 3-Milyan oo Dollar" ayuu yiri Wasiirka Xannaanada Xoolaha.

Wasiirku wuxuu ugu dambeyn sheegay in Wasaaraddiisu ay sii wadayso dadaalka ay ku doonayso inay ku ballaariso howlaha Wasaaradda, wuxuuna sheegay in markii lagu wareejiyay xilka wasaaraddan aysan jirin wax la qabtay, maatana ay ka howlgalaan 11-Gobol oo ka mid ah Gobollada Soomaaliya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya