4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jun 3 , 2010
Askar ka Tirsan Ilaalada Xeebaha Puntland oo ku Dhaawacmay Howlgal Lagu Soo Furtay Markab U rarnaa Ganacasato Soomaaliyeed

Khamiis,03, Jun, 2010 (HOL) Labo ka tirsan Ciidanka ilaalada xeebaha Puntland ayaa ku dhaawacmay howlgal lagu soo Furtay Markab ay kooxo Burcad badeed ah afduubteen maalintii shalay ahayd ,kaasi oo u rarnaa Shirkada Muwaafaq oo Xafiisyo kala duwan ku leh Puntland.

Waxaa la sheegay in MV QSM Dubai si xoog ah looga soo Furtay kooxdii Afduubka u haystay ,Waxaana sidaa warbaahinta u xaqiijiyay Wasiirka dekadaha iyo gaadiidka Badda Puntland Siciid Maxamed Raage.

Wasiirka ayaa sheegay in Gacanta lagu hayo Burcaddii Markabkaasi afduubtay oo 7 ruux gaaraya ,Waxaana uu intaa ku daray in howlgalkii markabka lagu soo furtay uu ku geeriyooday kabtankii markabkaasi oo u dhashay wadanka Pakistan.

Kooxda Afduubka u haystay Markabka ayaa diiday in ay sii dayaan markabka ka dibna weerar lagu qaaday ayaa xoog looga soo furtay. ayuu yiri Wasiirka isaga oo ku sugan Magaalada Bosaaso.

Sidoo kale Wasiirka ayaa Warbaahinta u sheegay in askarta Dowlada kaga dhaawacantay Howlgalkaasi la soo gaarsiin doono Bosaaso si xaaladooda Caafimaad loo dabiibo.

Markabka MV QSM Dubai ayaa shaqaalaha Saaran waxa ay u kala dhasheen wadamada Pakistan,Bangladesh iyo India,Waxaana markii la afduubanayay uu ka soo kicitamay magaalada Dubai ee Imaaraatka Carabta

Faisel Maxamed Hassan,Hiiraan Online
[email protected]
Bosaaso,somaliya