
Arboco, Feb.6,2010 Columbus, Ohio (HOL): Xaflad soo dhaweeyn ah oo ay soo qabanqaabiyeen ardayda Ohio State University iyo Jaaliyadda Somaaliyeed ee Columbus ayaa si wada jir ah ugu soo dhaweeyay magaaladda Columbus wasiir dawlaha arimaha gudaha ee dawladda Somalia mudane Abdirashid Mohamed Xidig. Xafladaas ayaa ugu horeyntii warbixin qiimo leh ka jeediyay gudoomiyaha ardayda Somaaliyeed ee wax ka barata Jaamacadda Ohio State Abdullahi Abdisalan Yusuf, isga oo faaf faahin dheer ka bixiyay tirada ardayda Somaliyeed, qaabka ay wax uga bartaan Jaamacadda iyo maadooyinka ay ka bartaanba. Kadib waxaa soo dhaweeyay Mudane Abdirashid Mohamed Xidig , Abukar Dahir Osman (Abdukar Baale) ahna wakiilka qurba joogta Somalida (Diaspora) ee Mareykanka.

Ugu horeyntii Wasiirku waxa uu u mahadceliyay jaaliyadda Somaliyeed ee magaaladda Columbus, gaar ahaan ardayda wax ka barata Jamacadda Ohio State. Waxa uu aad u amaanay gobolka Ohio iyo sida ay mar walba usoo dhaweeyaan wafdiyada ka socda dawladda ku meel gaar ah ee Somaliya. Waxa uu wasiirku aad uga hadlay arimaha Somaliya iyo dhibaatooyinka shacabka iyo dawladaba haysta. Waxa uu yiri Somalia waxa ay leedahay kheyraad badan, cimilo wanaagsan, dhul qurxan oo aan garan weynay in aan ka faaideysano. Waxaa jira ayuu yiri kuwo aan garan dawladnimada waxa ay tahay oo mar walba khilaaf la taagan. Waxaad dhamaantiin ogtihiin in uu Sheikh Sharif ahaa
hogaankii maxaakiimta, maantana uu yahay madaxweynaha Dawlada ku meel gaarka ah, ayuu yiri wasiirka, taas waxa ay ka turjumeysaa in dawlanimadda ay daacad naga tahay. Laakiin, waxa jira ayuu yiri wasiirka dawlado shisheeye ee aan marnaba dooneynin in ay Somaliya dawlanimadeedii iyo aqoonsigii caalamka ku soo noqoto, taasna aad ayaa uga dheregsanahay.

Abdirashid Xidig Wasiir dawlaha arimaha gudaha mar uu ka hadlayay arimaha amniga ee dalka, waxa uu yiri waxa jira kuwo naga mid ah oo la qalday, oo u shaqeeya shisheeye dambiilayaal ka ah dalalkoodii, waxaan ku tallo jirna ayuu yiri wasirku in aan dhisno ciidamo aan uga hortageyno kuwa aanan damiirka laheeyn ee dalkooda u duleeyay shisheeye. Waxaa kale oo uu wasiirka ka hadlay burcad badeedka (pirates) oo uu yiri waan ka soo horjeednaa burcad badeedka iyo falalka afduubka maraakiibta. Laakiin ma idinla tahay ayuu yiri wasiirka in wiil Somaaliyeed oo gaajeysan oo aan wax awooda laheeyn in uu soo qafaasho markab weeyn, taas waa maya ayuu yiri wasiirka hadii aysan xogag shisheeye ka danbeynin. Waxa ay qarinayaan in ay kheyraadka badda Somaliyeed ay gurtaan isla markaana ay sun ku daadshaan. Wasiirku waxa uu ka hadlay in ay Somalia dawlad Islam ah ay tahay, Islamkuna uu yahay diin nabadeed, waxa diintii loo bedelay in ay magacyo badan u bixiyaan, oo isla markaana dadkii dhibaateysnaa lagu dhibaateeyo. Waa in laga hortagaa kuwa marin habaabinaya caruurtiina oo maanka ka doorinaya, oo waxaan diinta ku saleysneeyn u akhrinaya sida isbiimeynta ama isqarxiska

Calankii buluuga ahaa waxaa lagu bedelay mid madoow, waa in aad gacan siisaan sidu ugu hogaamin lahaa dariiqa xaqa ah, ayuu yiri wasiir Abdirashid Xidig.
Wasiirku waxa uu kula dardaarmay jaaliyaddaha Somaliyeed meel kastaba ay joogaan in ay fariintan gaarsiiyaan qof kastaba oo Somali ah, gaar ahaan dhaliyarada, si ay u noqdaan kuwii isku xiri lahaa Somalia iyo wadamada ay joogaan. Dhalasho kasta oo aad haysatid Somaliya waa dalkaagii ayuu yiri wasiirku. Ugu danbeyntii waxa uu ka codsaday jaaliyadda Somaliyeed ee ka soo qeyb gashay xafladda in lala shaqeeyo madaxweyne Sheikh Shariif, Raisul Wasaaraha Omar Abdirashid. Mucaaradnimo waxba kuma hagaagayaan, ayuu yiri wasiirku.
HIIRAAN ONLINE
COLUMBUS, OHIO