Arbaco, 10 Feb, 2010 (HOL) Waxaa maanta caadi ku soo noqday howlihii shaqo ee xawaalada Amal Express xarunteeda Kismaayo kaddib markii maalinimadii shalay ahayd uu maamulka ka arrimiya magaalada amar ku siiyay masuuliyiinta shirkadda Amal Express in ay xiraan shirkadaasi ilaa iyo amar danbe.
Mar aan saaka booqday xarunta Amal Express ee magaalada Kismaayo ayaa waxaan halkaasi kula kulmay qaar katirsan masuuliyiinta shirkada Amal Express, waxaana ay ii sheegeen in howlihii shaqo ee shirkadda ay caadi ku soo noqdeen maanta kaddib markii masuuliyiinta shirakadda iyo maamulka ka arrimiya magaalada Kismaayo ay isugu yimaadeen shir ayna isku afgarteen in dib loo furo shirkadda.
Dib u furidda shirkadda Amal Express xarunteeda Kismaayo ayaa ku soo beegmeysa xilli uu maamulka islaamiga ah ee ka arrimiya magaalada Kismaayo uu shirkaddaasi xiray maalinimadii shalay ahayd kadib markii lagu eedeeyay in ay daabacday buugaag ay ku sawirnayd qaaradda Soomaaliya iyo sida ay u kala haystaan ururrada ku dagaallama siyaasadda Wadanka Soomaaliya.
Xasan Nuur, Hiiraan Online
hnur@hiiraan.com
Kismaayo, Soomaaliya