Arbaco 10, Feb, 2010 (HOL) Afhayeenka Maamulka Jubbooyinka ahna Madaxa wafaafinta Sheekh Xasan Yacquub Cali oo wareysiyo isku mid ah siiyay Idaacadaha Muqdisho ayaa sheegay inay u diyaargaroobeen ka urur ahaan dagaal ay la galaan Dowladda Soomaaliya, Ciidamada AMISOM iyo Xukuumadda Kenya.
Sheekh Xasan Yacquub ayaa sheegay in ciidamo badan oo ay ugu talogaleen inay ka hortagaan weerarrada ay ku dhawaaqday Dowladda Soomaaliya inay ku qaadayso goobaha ay Islaamiyiintu gacanta ku hayaan u direen Muqdisho.
"Ciidamada ku qulqulaya Muqdisho iyo Gobollada kale ee dalka waa mujaahidiin doonaya inay la dagaalamaan cadowga doonaya inay baabi'iyaan maamullada ku saleysan diinta Islaamka ee ka jira Gobollada dalka" ayuu yiri Sheekh Xasan Yacquub.
Dalka Kenya ayuu ku eedeeyay inay ciidamo badan oo ay soo tababareen ayna ku jiraan kuwii horay looga saaray gobolka Jubbada hoose ee uu hoggaaminayay Sheekh Axmed Madoobe ay soo dhoobeen xadka.
"Waxaan diyaar u nahay inaan iska difaacno ciidamada ay Kenya soo dhoobtay xuduud beenaadka u dhexeeya Soomaaliya iyo iyada, Ilaahay idankiisna waan ka guulaysan doonaa" ayuu yiri Sheekh Xasan Yacquub oo ka hadlay Idaacadda Al-Andulus ee Kismaayo ku taalla.
Afhayeenka Maamulka Jubbooyinka, wuxuu sheegay in dagaalka soo socda ee laga dhigayo midka weyn ay fashilin doonaan, isla markaana ay ka guulaysan doonaan Dowladda iyo AMISOM, iyagoo kaashanaya Alle iyo shacabka Soomaaliyeed.
Dowladda Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday dhawaan inay dagaal kala hortagayso kooxaha kasoo horjeeda, iyadoo hadalkan uu jawaab u yahay hadallada dagaal ee ka imaanaya dowladda Soomaaliya.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
maxuseen@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya