Saturday, May 25, 2013
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Feb 10, 2010
Ciidamo ka tirsan Xarrakatul Shabaab oo xalay gaaray Magaalada Muqdisho iyo diyaargarow dagaal oo la dareemayo

Arbaco 10, Feb, 2010 (HOL) Ciidamo ka tirsan kuwa Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin ayaa xalay gaaray Magaalada Muqdisho, kuwaasoo la sheegay inay ka tageen gobollada Koonfureed.

Ciidamadan oo watay gaadiid dagaal iyo kuwo kale oo xamuul ah ayaa waxay mareen jidka dheer ee isku xira Muqdisho iyo Afgooye, iyagoo ku dhawaaqayay ereyo ka mid yihiin Takbiirta.

Boqolaal qof oo ka mid ah barakayaasha ku sugan deegaannada loo barokaca ayaa daawasho ugu soo baxay dhinacyada jidka dheer, iyadoo qaarkood ay si hoose uga sheekeysanayeen ciidamada ku qulqulaya Muqdisho.

Magaalada Muqdisho ayaa laga dareemayaan dhaqdhaqaaqyo ciidan oo u dhexeeya Dowladda Soomaaliya iyo kooxaha kasoo horjeeda, kuwaasoo sababay inay dad badan uga barakacaan Magaalada, si ay uga nabadgalaan dagaalladaas.

Saraakiil ka tiran Xarrakatul Shabaab iyo Xisbul Islaam ayaa waxay shaaciyeen inay diyaar u yihiin inay weerarrada kaga hormaraan dowladda, iyagoo xusay inay heleen xogo ku saabsan qaabka ay dowladdu doonayso inay ku dgaal-gasho.

"Waxaan rajeynaynaa inaan ka adkaan ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowladda haddii ay isku dayaan inay weerarro kusoo qaadaan goobaha aan kaga suganahay Magaalada Muqdisho" ayuu yiri Max'ed Cismaan Caruus oo ka mid ah saraakiisha sarsare ee Xisbul Islaam.

Afhayeenka Xarrakatul Shabaab ayaa isaguna sheegay inay fashilin doonaan dagaalka ay dowladdu ku doonayso inay ku qabsato Muqdisho oo dhan, ayna rumeysan yihiin inay ka awood badan yihiin.

Dowladda Soomaaliya ayaa ku adkeysanaysa inay awood kaga saarayso Muqdisho iyo Gobollada dalka kooxaha dowladda kasoo horjeeda, kuwaasoo gacanta ku haya Gobollada koonufeed iyo inta badan Magaalada Muqdsiho.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
maxuseen@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya





Post your comments

2/10/2010 5:52 PM EST
Sabti, Feb.6,2010 Columbus, Ohio (HOL): Xaflad soo dhaweeyn ah oo ay soo qabanqaabiyeen ardayda Ohio State University iyo Jaaliyadda Somaaliyeed ee Columbus ayaa si wada jir ah ugu soo dhaweeyay magaaladda Columbus wasiir dawlaha arimaha gudaha ee dawladda Somalia mudane Abdirashid Mohamed Xidig

2/10/2010 11:13 AM EST
Arbaco, 10 Feb, 2010 (HOL) Ku dhawaad 10-qof ayaa ku dhintay madaafiic ku dhacay degmooyinka Gobolka Banaadir qaarkood iyo suuqa weyn ee Bakaaraha, iyadoo ay ku dhaawacmeen tiro ka badan 37-qof.

2/10/2010 11:13 AM EST
Arbaco, 10 Feb, 2010 (HOL) Waxaa maanta caadi ku soo noqday howlihii shaqo ee xawaalada amal express xarunteeda kismao kadib markii maalinimadii shalay ahayd uu maamulka ka arimiya magaalada amar ku siiyay masuuliyiinta shirkada amal express in ay xiraan shirkadaasi ilaa iyo amar dambe.

2/10/2010 11:12 AM EST
Arbaco, Feb, 10, 2010 (HOL) Shiikh C/llaahi Cali Barkhadlle oo ka mid ah Culimada waa weyn ee Dariiqada Suufiyada ayaa waxba kama jiraa ku tilmaamay Wareysi BBC-du la yeelatay mid ka mid ah mas'uuliyiinta Ahlu Sunna Waljameeca oo sheegay in Shiikh C/llaahi Cali Barkhadlle yahay Wakiilka Ahlu Sunna ee Goballka Hiiraan.

2/10/2010 7:44 AM EST
Arbaco 10, Feb, 2010 (HOL) Dagaal u dhexeeyay ciidamada kawada tirsan Dowladda Soomaaliya oo ka dhacay Iskool Bolisiyo ayaa sababay inay dhintaan ugu yaraan 3-askari, ayna ku dhaawacmeen saddex kale.

2/10/2010 7:44 AM EST
Arbaco 10, Feb, 2010 (HOL) Waxgarad iyo Odayaal kasoo jeeda Gobolka Shabeellada Hoose oo maanta kulan ku yeeshay Muqdisho ayaa ka dalbaday dowladda Soomaaliya inaysan gobolkaas u magacaabin cid aysan raalli ka ahayn.

2/10/2010 7:43 AM EST
Arbaco 10, Feb, 2010 (HOL) Qarax maanta ka dhacay degmada Xamarjajab ee Muqdisho oo lala beegsaday ciidamo ka tirsan Dowladda Soomaaliya ayaa waxaa mas'uuliyaddiisa sheegtay Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin.

2/10/2010 6:46 AM EST
Arbaco, 10 February 2010 (HOL)- Komishanka Doorashooyinka Somaliland ayaa maanta ka hadlay arrimaha Doorashooyinka Somaliland iyo tallaabada ay ka qaadeen agabka kala-shaandhaynta Liiska cod-bixiyayaasha ee hore uu uga dhashay khilaafkii siyaasadeed ee Somaliland waajahday sanadkii tegay ee 2009.

2/10/2010 6:42 AM EST
Arbaco, February 10, 2010(HOL): Shir jaraa’id oo uu maanta qabtay madaxa warfaafinta maamulka Islaamiga ah ee gobollada Jubbooyinka Sheekh Xasan Yacuuq Cali ayaa waxa uu kaga hadlay dhaqdhaqaaqyada iyo xiisadaha colaadeed ee muddooyinkii ugu danbeeyay ka jiray xadka soomaaliya ay kala wadaagto Kenya gobolka j/hoose.

2/10/2010 3:08 AM EST
Arbaco 10, Feb, 2010 (HOL) Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee dalka Yemen ayaa sheegtay in xabsiga loo taxaabay 253-qof oo tahriibayaal Soomaali iyo Itoobiyaan isugu jira, kuwaasoo laga qabqabtay gobollo kala duwan.

2/10/2010 3:08 AM EST
Arbaco, Feb, 10, 2010 (HOL) Taliyaha Ciidamada Mareykanka u qaabilsan qaarada Africa Ninka lagu magacaabo Wilyam Weel oo magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya kula kulmay Saraakiil sar sare oo ka tirsan Midowgga Afirca ayaa sheegay in ay gacan hoose ka siinayaan Dowladda Soomaaliya dib u hanashada Amaanka guud ahaan dalka Soomaliya.

2/10/2010 2:39 AM EST
Arbaco 10, Feb, 2010 (HOL) Afhayeenka Maamulka Jubbooyinka ahna Madaxa wafaafinta Sheekh Xasan Yacquub Cali oo wareysiyo isku mid ah siiyay Idaacadaha Muqdisho ayaa sheegay inay u diyaargaroobeen ka urur ahaan dagaal ay la galaan Dowladda Soomaaliya, Ciidamada AMISOM iyo Xukuumadda Kenya.

2/10/2010 2:37 AM EST
Arbaco 10, Feb, 2010 (HOL) Wasiirka Wasaaradda Jaaliyadaha Soomaaliya C/llaahi Axmed C/lle (Azhari) oo dhawaan safar ku tagay dalka Koonfur Afrika ayaa sheegay inay dowladda dalkaas kala hadleen dhibaatooyinka lagu hayo dadka Soomaalida ah.

2/10/2010 2:36 AM EST
Arbaco 10, Feb, 2010 (HOL) Ciidamada amaanka magaalada Galkacyo ayaa gacanta ku soo dhigay qaar ka mid ah walxaha qaraxa oo la dhigay Meel ku dhow saldhiga ciidanka Boliska ee gobolka Mudug.

2/10/2010 2:29 AM EST
Arbaco, Feb, 10, 2010 (HOL) Dowladda Soomaaliya oo dhawaan sheegtay in ay magaalada Muqdisho ku dishay Sarkaal sare oo ka tirsanaa kooxaha ka soo horjeeda gaar ahaan Xarrakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa markii ugu horeysay shaacisay magaca Shaqsiga la dilay iyo darjadiisa.

2/10/2010 2:27 AM EST
Arbaco, 10 February 2010 (HOL)- Guddida dhaqaalaha ee Golaha Wakiilada ayaa eedayn u jeediyay Wasiirka Xannaanada Xoolaha oo ay sheegeen in uu ka baxay ballamo uu hore u qaaday oo ahaa in uu Guddidan hor yimaaddo.