4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Aug 25, 2010
Faahfaahin ku saabsan khasaaraha ka dhashay dagaallo maalintii saddexaad ka socda Magaalada Muqdisho

 Arbaco, August 25, 2010 (HOL) − Dagaallo ayaa maalintii saddexaad ka socda Muqdisho, waxaana dagaallada maanta ku dhintay ugu yaraan 10-qof, iyadoo ay ku dhaawacmeen 30-qof oo kale.

Madaxa gaadiidka gurmadka deg-degga ah ee Muqdisho oo la hadlay saaxafadda ayaa yiri: "Dhaawacyada aan maanta qaadnay waxay kor u dhaafayaan 30-qof, waxaana aragnay maydad fara badan intii aan howsha ku gudo jirnay."

Dagaalka maanta oo ah mid ka xooggan kuwii labadii maalmood ee hore ka dhacay Muqdisho ayaa waxaa ka qaybqaadanaya ciidammada oo wata gaadiidka dagaalka, sida Kaarayaasha, waxaana ay dagaalka uga qaybgalayaan si toos ah.

"Iskahorimaadku wuxuu qarxay saakay, waxaana ciidamada dowladdu ay ku siqeen goobaha ay ku sugan yihiin xoogagga mucaaraadka ah, ayuu yiri G/sare Maxamed Aadan oo u hadlay dowladda Soomaaliya.

Goobjoogayaal ayaa u sheegay HOL in ciidamada Xarrakatul Shabaab iyo kuwa Xisbul Islaam oo iskaashanaya ay aad ugu soo dhawaadeen maanta Jidka Maka Al-Mukarama oo muhim u ah dhaqdhaqaaqa madaxda dowladda KMG iyo AMISOM.

Suuqa Bakaaraha oo ah kan ugu weyn Muqdisho ayaa maalintii labaad u xiran dagaallada socda, waxaana madaafiic badan oo maanta ku dhacay ay sababeen dhimasho iyo dhaawac gaartay dad ku sugnaa.

"Waxaan ku dhaawacmay madfac kusoo dhacay bartamaha suuqa Bakaaraha, waxaan arkay dhimashada sideed qof oo uu madfacu dilay, dad badan oo kalena way ku dhaawacmeen," ayuu yiri mid ka mid ah dadkii maanta ku dhaawacmay dagaallada oo saxaafadda ugu warramay isbitaal Madiina.

Dagaallada maalintii saddexaad ka socda Muqdisho ayaa sababay dhimashada 80-qof marka lagu daro weerar shalay lagu qaaday Hotel ay daganaayeen mudanayaal ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya, waxaana ku dhaawacmay 160-qof oo kale.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya