4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Aug 25, 2010
Bannaanbaxyo lagu taageerayo dagaallada ay Xarrakatul Shabaab ka billowday magaalada Muqdisho

Arbaco, August 25, 2010 (HOL) − Bannaanbaxyo ay soo qabanqaabisay Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin laguna taageerayo dagaallada ay ka billaabeen Muqdisho ayaa maanta ka dhacay gobollada Shabeellada hoose iyo Gedo.

"Waxaa la idinka doonayaan inaad maal iyo adin uga qaybqaadataan dagaallada ka socda magaalada Muqdisho, kuwaasoo ay Mujaahidiintu ka gaareen guulo la taaban karo," ayuu yiri waaliga walaayada Gobolka Shabeellada hoose Sheekh Maxamed Abuu-Cabdalla oo Marko kula hadlay boqolaal qof oo mudaaharaadayaal ah.

Dibadbaxayaasha ayaa ku qaylinayay erayo ay ku taageerayaan Xarrakatul Shabaab, iyagoo sheegay inay gacan ka geysan doonaan dagaalladaas, waxaana dadka ku jiray haween xambaarsan qoryaha fudud ee darandoorriga u dhaca.

Mas'uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Gedo ayaa iyaguna la hadlay boqolaal qof oo taageerayay dagaallada ay Xarrakatul Shabaab ka bilaabeen Muqdisho, iyagoo ka dalbaday dadka inay isku diiwaangeliyaan ka qaybqaadashada dagaalladaas.

Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin ayaa Isniintii todobaadkan kaga dhawaaqday Muqdisho dagaal weyn oo ka dhan ah dowladda iyo AMISOM, kaasoo ay ugu magac-dareen (Dhammaadkii kuwa soo duulay), waxaana dagaallo ka qarxay Muqdisho isla maalintaas ay sababeen dhimasho iyo dhaawac fara badan.

Maamullada Xarrakatul Shabaab ee koonfurta Soomaaliya ayaa ugu baaqay dadka ku nool deegaannada ay maamulaan inay dagaalka uga qaybqaataan si kasta oo ay awoodaan, iyadoo dagaalladan lagu soo beegay bisha Ramadaan.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya